Maxaa kusoo kordhay Dagaal Culus oo ka dhacay gobolka Sanaag

Wararka laga helayo Gobolka Sanaag ayaa waxaa waxaa ay sheegayaan in Hadaaftimo ee  Magalada Badhan uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeyay Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa taabacsan Maamulka puntland.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha Magalada Badhan ee Somaliland uu socdaal ku tegay Magalada Hadaaftimo ay dagaal kala hortageen dadka deegaanka,isla markaana ay taageero ka heleen Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu ku geeriyooday hal ruux laba kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo ka mid ah dadka deegaanka Hadaaftimo,waxaana haatan halkaasi laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah.

Qaar ka mid ah waxgaradka hadaaftimo ayaa sidoo kale waxaa ay xilligaan wadaan waan waan ku aadan sidii loo joojin lahaa xiisada ka dhalatay booqashada uu halkaasi ku tegay Guddoomiyaha Magalada Badhan ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here