Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxa qaraxyo xoogan oo gelinkii danbe ee Shalay ka dhacay magaalada Baydhabo.
Baydhabo, waxey marti galineysaa doorasho Madaxweyne oo dhaceysa 17-ka Bisha danbe, waxaana u taagan ku dhowaad 10 Musharax oo ay ku jiraan; Shariif Xasan, Rooboow, Farageeti iyo Xuseen Cismaan.
Saraakiil katirsan Koofur Glabeed, waxey Warbaahinta u sheegeen in qaraxyada mid kamid ah lagu weeraray Hoteelka Bilan, halka qaraxa labaadna lagu galay maqaaxida Al-Badri, labadan goob waxey ku yaalaam bartamaha Baydhabo.
Laba nin oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa, ayaa la sheegay iney isqarxiyeen iyagoo lugeynayay, waxaana ka dhashay Khasaare xoogan.
Afhayeenka Koofur Galbeed Nuuradiin Gacma, ayaa Mustaqbal u sheegay in dhimashada ay mareyso 14 Qof, waloow ay suura gal tahay iney intaasi kabadato.