Maxaa ku soo kordhay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Saakay waxaa  ka dhacay Qarax  wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa uu sababay gubashada seddex gaari oo yaalay agagaarka isgoyska Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu ka dhacay meel ku dhow Hotelka Mubaarak oo ku dhow isgoyska Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka Gurmadka deg dega iyo wariyaasha ayaa horey loogu diiday inay horey ka tagaan goobaha qaraxyada ay ka dhacaan, waxaana gabi ahaanba la xiray agagaarka goobta qaraxa uu ka dhacay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid gaari lagu xiray, kaasi oo sababay in gaadiid badan oo la dhigay agagaarka Hotela Mubaarak ay gubtaan.

Sida Muqdisho Online horay idiinkuugu soo gudbisay qaar ka mida  mas’uuliyiinta dowlada ayaa qorshaynaa in ay magaalada Muqdishu ka sameeyaan carqalado ka hor inta uusan dhacin mudaharaadka lagu wado in uu Muqdisho berito ka dhaco.

Qaraxa ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay ciidamadii Booliska ee ugu badnaa laga wareejiyay qaar kamid ah isgoysyada magaalada Muqdisho.

Weli si dhab ah looma oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Advertisements