Maxaa ku soo kordhay qaraxii iyo dilkii ka dhacay Baydhabo iyo Buurhakaba?

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degaanka Koonfur Galbeed qarax xoogan ayaa lala beegtay bar-kontorool oo ciidamada ammaanka ay lacagta canshuurta uga qaadaan Gaadiidka ka baxa iyo kuwa gala Magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa midka  Miinada dhulka lagu aaso ayaa geystay khasaare xoogan. Warar aan la xaqiijin ayaa  sheegaya in ay halkaas ay  ku dhinteen askar iyo dad shacab ah.

Ciidamada Dowladda  Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dorbaba ka bilaalabay baaritaanada ku aadan Qaraxan, waxayna soo xireen  tiro dad ah kuwaas oo ciidamada ammaanka ay qabteen inta uu socday baartitaankii ay sameeyeen qaraxa ka dib.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in kooxo ku hubeysnaa bastoolado  ayaa bartamaha Magaalada Buurhakaba ku toogtay nin magaciisa lagu soo koobay Mukhraar Subagle oo ka tirssnaa Ergadii xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo.Masuuliyiinta laamaha ammaanka Koonfur Galbeed ilaa hadda war kama aanay soo saarin falalkan amniga ka baxsan ee ka dhacay Magaalada Buurhakaba, balse waxaa socda baaritaano amni xaqiijin ah.