Maxaa ku soo kordhay Doorashadda Jubbaland?

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo ay shalay u danbeeysay xiligii isdiiwaan galinta musharaxiinta ayaa waxa ka socda Magaalada Kismaayo  wadatashiyo iska soo horjeedo oo looga hadlayo doorashada Jubbaland.

Madaxda dhaqanka, Guddiga Doorashada iyo qaar ka mida Musharixiinta ayaa ku howlan Sidii ay iga hortagi lahaayeen qalalaase ka dhasha musharaxiinta aan isdiiwaan galin.

Odoyaasha dhaqanka iyo

Guddiga Doorashada ayaa ka wada hadlaya qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada

Dhanka kale usharixiinta oo qaba tuhunka soo xulashada Xildhibaanada ayaa dhaliilsan habka wax loo wado, waxa ay ku baaqeen in Madax dhaqameedyada loo madax banaaneeyo kala doorashada shaqsiyaadka Xildhibaanada ku loolamaya.

Bisha soo socota ayaa la filayaa in dhacdo Doorashada Jubbaland, waxaana Musharixiinta Xildoonka ah ay ka cabanayaan guddiga doorashada oo ay sheegeen in ay u janjeeraan dhanka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Musharixiinta waxa ay ku hanjabeen in ay sameysan doonaan guddi doorasho, hadii la iska indho-tiro cabashooyinkooda.