Maxaa Ku Cusub: Dowladaha UK, Farance iyo US oo hadda ku soo biiray in Baddeenna la kala qeybiyo. Akriso

Reading Time: 3 minutes

Waddamada UK iyo Farance oo ay la socotay Itoobiya waa dalalkii dalkeenna u qeybiyey shanta qeybood oo mid waliba ay qolo kale nagu haysato iyagoo abuuray aragtida ah inaan kala nahay shan dal oo labadii midoobay ay aragti khaldan kala geliyeen oo ah inaan nahay laba dal. Aqal shan loo qeybiyey qeyb waliba ma aqal goonniya baa? Maya waa hal aqal oo shan loo qeybiyey. Somaliyana Waa sidaas.

Gumeystayaashii Yurub oo wali uu maanka kaga jiro dareenkii gumeysi , Mid waliba qeyb dhulkeenna ayuu goostay markaas ayuu ku daray ummad  aan isir  iyo dhalasho midna naga dhaxeyn, gaar ahaan UK  waana waxa maanta naga dhigay dalka aan nahay ee dunida ugu nolol liita.

Shacbiga Somaliyed ma mooga dhibaataada ay dalalkan badeen Somaaliya hasa yeeshee qaar ka mid ah waddamadaas oo intii ka dambeysay dagaallada Sokeeye,  oo ay iyagu markii hore noo abuureen, kaalmo wax xoogaa ah noo fidiyeen ayaa waxay keentay in shacbigu ay is yiraahdaan horay uga socda wixii xumaa ee la idinku falay.

Hasa yeeshee,  doqoni waa mooge,  maanta ayaa waa soo muuqata inay rabaan in baddeena loo laalo sida ay xudeedaheenna u laalan yihiin oo ay noo abuuraan xuduud beenaadyo. Dowladahan ayaa hoosta waxay ka wadaan inay Kenya ku kaalmeynayaan in baddeenna oo ay nagu haysato nalaku dhexdhexaadiyo oo xaal mastuur iyo intaan ka qaata lagu dhameeyo. Haddii shaarkaaga kugu qabsado gorgortan iyo maslaxo ma jirta ama waa inuu kuu daayaa shaarkaaga ama waa in uu midkiin dhintaa.

Haddaba shacbiga Somaliyeed waa inay ogaadaan inay soo socoto taariikhdii madoobeyd ee Reserve area 1957 ay UK ku dartay Itoobiya iyo NFD-na ku dartay Dalka Kenya oo maanta la qorsheynayo in badeenna la kala qeybiyo oo qeyb ka mid ah lagu daro Kenya.

Dowladahan aan kor ku soo xusnay oo Somaliya u qaba cadownimo gaamurtay ayaa wali ku hamiyaya in labadii gobol ee Koofur iyo waqooyina ee lixdankii xuroobay lakala gooyo, iyadoo  badda qeyb ka mid ahna la siinayo Kenya.

Dhinaca kale akhriste dowladda Itoobiya waxay tododbaadkaan Xamar u soo dirtay Waasiir Axmed Shidde oo waday  dhambaallo a) In Axmed Madoobe aanu soo noqon oo ah feker uu la qabo Farmajo iyo Kheyre,  Mustaf Cagjar iyo dhambaalka kale oo ahaa in la dardargeliyo dhameystirka dekadihii Itoobiya loo saxeexay ee afarta ahaa si Itoobiya ciidankeeda badda u soo dagaan tan oo ah culeys dhinac kale laga saarayo MW Farmajo oo daciifnimo iyo aamusnaan lagu ogyahay si loo hubsado inuu isu dhiibo waddamada aan kor ku soo sheegnay.

Haddaba Somaliyeed waxaa maanta la gudboon inay:-

  1. Iska qabtaan Farmajo iyo Kheyreoo midna uu xaraash ku wado shidaalkii dalka,iyo burburinta GalMudug, Hirshabeelle iyo Jubaland,  midka kalana waa Farmajee  uu dhaxal wareejin ku wado badda iyo Dekadaha Somaliya.
  2. In ay gartaan in labadan qofba ay yihiin shakhsiyaad u adeegaya shisheeye oo dalkan gelin doona taariikh madow oo la mid tii Reserve area.
  3. In waddamada UK, USA, Faransiiska, Kenya iyo Itoobiya ay yihiin waddamo cadow noo ah oo horay uga shaqeeyey in Qowmiyadda Somaliyeed la kala dhantaalo oo lagu kala daro waddamada deriskooda ah, haddana ay wadaan inay baddeenna lakala qeybiyo oo xuduud beenaad naloo sameeyo annaga iyo Kenya

Isku soo duub shacbiga maanta ayey talo u taallaa waa inay billaabaan bannaabaxyo iyo baddeenna ma ogolin, waana inay xiriirro lala sameeyaan cid kasta oo lagu tashan karo,sida Shiinaha iyo Ruushka loona muujiyaa carada xoogga leh ee waddamadii shalay na qeybiyey oo aan u sabarnay maantana inaya rabaan inay baddeenna qeybiyaan.

Waxaa socda wadahadallda qarsoodiga ah oo uu Fahad ka wado Nayroobi oo ay Kheyre iyo Farmajo usoo direen,  waxaana hadda si xoog leh ugu lug yeeshay waddamada UK, USA, Farance iyo Itoobiya oo Kenya ku kaalmeynaya arrintaas, iyadoo Kheyre iyo Faramajana loo ballanqaaday haddii ay arrinkaan fududeeyaan in laga shaqeyn doono inay muddo dheer sii joogi doonaan.

Kheyre waxaa loo diray in ka hor inta  aan go’aanka Maxakamadda ICJ la soo saarin la wada badalo madaxda miisaanka  dadnimo leh ee dowlad-goboleedyada sida Xaaf iyo Axmed Madoobe oo ah rag da’ ah oo aan rabin inay ummadaan magac xumoo uga tagaan.

Qorashaha Farmajo iyo Kheyre waa in la hubsado in madaxda Dowlad goboleedyada gacanta lagu dhigo, Barlamankiina horay loo haystay kadibna laga qoro waraaq laga wada saxeexayo dhammaantood oo la leeyahay waxaan ogolnahay in Kenya lagala heshiisyo arrinta badda maadaama waddama na kaalmeeya ee UK, Farance, USA iyo Itoobiya ay sidaas ku taliyeen, si colaadda iyo is afaranwaaga annaga iyo Kenya noo dhaxeeya loo xalliyo.

Shacbiga talada maanta ayey haboon tahay ee berri marka uu saxeex calami ah kugu dhaco waxba nooma yaallaan. Maanta awood ayaan leenahay haddii bannaanbaxyada is qabsadaan waddamada galbeedka ma awoodaan inay ku dhiirradaan daba dhilifyadana waaba iska cararayaaan ee cid mucaarid ama muxaafid ah talada ha qaadato waxay joogtaa markii geesi uu soo bixi jiray sida Axmed Gurey iyo Sayid Maxamed.