Maxaa Keenay inay Wabiya Shabeelle iyo Jubba Marna Guraan marna Fatahaan oo Dad naga laayaan? Yaab!! Akhriso.

Reading Time: 4 minutes

Dad dhowr ah oo isu haysta inay yaqaannaan juqoraafiga iyo taariikhda dalkooda ayaa waxay iska sameeyaan doodo iyo dhaleeceyn aysan ogeyn halka ay salka ku hayso, kuwana waaba loo soo dhiibaa oo iyagoon is ogeyn ayey fidiyaan wax dalkooda iyo dadkooda dhibaato u keenaya mardhow ama mustaqbalka oo aysan iyagu markaas odorosi Karin, islamarkaana kala soo dhex bixi taariikhda iyo tagtada.

Ilaa shalay Rag iyo Gabdho  madax hore iyo aqoonyahanno isugu jira oo xataa qaarkood laga yaabe inay ku soo jiraan golahan cusub ee wasiirada ayaa ilaa shalay waxay baraha bulshada iyo muuq baahiyayaasha la taagneeyeen in dowladda ay khaladday arrinkii uu MW dalka Masar sheegay oo ahayd in arrinka biyaha wabiyada loo raaco shuruucda caalamiga ah.

Dadka qaar ayaa ku leh maxaan annaga naga galay Itoobiya iyo Masar iyagaa webiga Niil iyo Biya-xireenka weyn ee GERD isku haystee?

Tan waxay I xusuunieysaa oraahdii ahayd “ma anigaa waalan mise Cadan Baa laga heesayaa”. Dadka Soomaaliyeed ma ogyihiin inay labo webi ay leeyihiin (Jubba iyo Shabeelle) labadoodana ay dalal kale Itoobiya iyo Kenya ka soo farcamaan oo haddii aan shuruucda caalamiga ah lagu dhaqmin ay dalalkaas biyo xireenno ka sameysan karaan annaga ay noo dhamaaneyso oo ay meesha ka baxayaan beeraha aan ku faanno.

Taas micnaheeda waxaa uu yahay inay Somaaliya tahay waxa afka waraabka loogu yaqaanno dhul hoosaadka (downstream),  oo haddii labada dal ay si gaar ah ugu takri falaan ay noo dhamaaneyso. Laakiin sharciga caalamiga ah ee shalay ay Madaxweynayaasha Somaliya iyo Masar sheegeen uu keenayo inay ku takri fali Karin biyaha labadaas webi iyadoo aan laga talo gelin Soomaaliya madaama sharciga caalamiga ee shalay la soo hadalqaaday  Riparian Right uu qeexayo biyaha dal ka bilowda ee u gudba dalkale sida loo qeybsanayo. Sharciga waxa uu  Somaaliya xaq u leedahay inay soo gaaraan 2/3 biyaha labadaas webi, inkastoo xaalka Masar iyo Itoobiya uu ka duwan yahay oo qeybsanka uu sii badanayo marka dalalka ay sii maraan ay sii bataan.

Soomaaliya burburkii ku dhacay 30kii sano ayaa dalalka Itoobiya iyo Kenya u suurtogaliyey inay si cadawnimo leh ugu takri faleen biyaha labadaas webi. Waxaana jirtay mashaariic ay Bangiyo caalami ah u gudbisteen , hasa yeeshee dowladdii Xasan Sheekh ee kal hore ay hor joogsatay inay Bangiga Horumarinta Afrika uu maalgeliyo 2014kii, waana ku guuleysatay in la joojiy. Taasisa ma waarin oo 5tii sano ee MW Farmajo joogay ayaa waxay labada dal dhameysteen mashaariicda uu Xasan Sheekh ka joojiyey.

Sideedaba dowlad walba waxaa laga rabaa inay sii waddo wixii wanaagsanaa ee ay dowladdii hore qabatay sida uu MW Xasan Sheekh Ballanqaaday ee maaha in la yiraahdo sidii Farmajo iyo Xasan kheyre “Markii ugu horreysay” oo wax waliba waddo cusub iyo qardajeex laga billaabo.

Dadka Somaliyeed waxay si fudud u arki karaan wixii ay Itoobiya sameysay intii uu Farmajo joogay iyo shaqada ay qabsadeen, taas oo ah in dhowrkii sano ee ugu dambeysay oo masharricda u fushay Itoobiya uu  webiga shabeele marna maran yahay marna fataho. 

Ma isweydiinnay sababta? Aan jawaab aad ka naxdid ku siiyo. Waxaa ugu wacan marna biyo la’aanta marna fatahaadda laba shaqo oo ay Itoobiya sameyso hadda kadib markii mashriicda loo ansixiyey intii uu joogay MW oo runtii sida uu sheegi jiaray “qabkeenna ilaalin jiray”.  Itoobiya oo ansaxsatay maalgelintii uu Xasan Sheekh ka joojiyey 2014 ayaa waxay sameysaa

1.      Markii uu webiga biyo yareeyo waxay xerataa biyaxireenkeeda una weecsataa biyaha inay  beeraheeda ku waraabsato Soomaaliya aan waxba soo gaarin. Waa marka uu webiga naga guro. Ogow sharciga aan kor ku soo sheegnay oo ah kan shalay MW Xasan iyo Sisi ka dhawaajiyeen wuxuu leeyahay seddex marka loo dhigo laba waa inay biyaha qulqulkooda Somaliya u gudbaan oo ma go’I karo wabiga.

2.     Markii biyo xirenadeeda ay aad u buuxsamaan si aysan dalkooda ugu fatihin waxaa si xoog ah loogu soo daayaan biyihii la qabtay Soomaaliya oo fatahaad ku Kharqiyo. Taas waa cadaawad qarsoon oo ay Itoobiy aannaga nagu sameyso laakiin Masar kuma sameyn karto oo aqoon iyo awoodba waa laga badan yahay annaga waa inaan kula daaraannaa Masar oo aan sharciga lee in la raaco ku adkeysannaa.

MOL maaha mid dowlad ama qof u sacbisa ee waxay qiimeyn ku sameysaa waxa socda halka ay u socdaan iyadoo kala tashata aqoonyahnno Somali iyo ajnabiba leh oo maado kastaa wax ka yaqaann. Talada sharciga waxa uu ka qabo arrinkaas shalay waxaa na siiyey aqoonyahano yaqaanna Shuruucda Caalamiga, tan biyaha iyo sababta ay fatahaadda noogu dhacdana waxaa na siiyey Injineero yaqaanna waraabka iyo saameynta biya xireennada. Tusaale fudud u qaado Wabiga Jubba oo intii taariikhda Somalida jirtay aan weligiis guri jirin maxaa keenay inuu hadda guro? Biyhiisa waa leexsaday lana xertay iyadoo ay sharcidaro tahay .

Haddaba,  MW Xasan Sheekh waa ku amaanan yahay inuu ariinkaan caalami ka dhigo yiraahdana sharciga caalamiga ah ha lagu dhaqmo sida uu u yiraahdo shuruucda dalka ha lagu dhaqmo. Waddaniga Somaliga ah ee wax gartaa ha ku taageero arrinkaan oo aan Masar iyo cid loogu daneyn ee waa danteena oo xusuuso intii nooga dhimatay fatahaddii ugu dambeysay.