Home Wararka Maxaa keenay degdegsiimada in Farmaajo safiir u magacaabo Sacuudiga

Maxaa keenay degdegsiimada in Farmaajo safiir u magacaabo Sacuudiga

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo safar u ah dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa magacaabay C/xakiin Xasan Ashkir oo ah Wasiiru dowlihii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Dowlada Sacuudiga ayaa horay u soo diiday dhowr qof oo magacyadooda loo gudbiyay.  Magacaaabida Safiirka cusub ayaa ku soo aaday iyada oo Farmaajo isku dayayo in dib u soo celiyo xiriirka kala dhaxeeyo dalka Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa muddo sanad ah aheyd Safiir la’aan, iyadoo safiirkii hore Daahir Maxamuud Geelle loo magacaabay Xil Wasiir, balse bil ka hor iska casilay Xilka Wasiirnimo.

error: Sorry Lama ogola in aad daabacatid
%d bloggers like this: