RW Xamse Cabdi Barre ayaa kulan casho ah caawa ku casuumay Xildhibaanada iyo Senatorada BJFS ee laga soo doortay deegaannada Puntland.
Kulanka oo bilaabanaya salaada maqrib kaddib ayaa lagu balamiyay labada Gole ee BJFS kana soo jeeda Puntland inay yimaadaan guriga Ra’iisul Wasaare Xamse, sida uu soo dhigay bar WhatsApp oo ay ku wada-jiraan Xildhibaanada iyo Senatorada, mid kamid ah Wasiirada XFS ee kasoo jeeda Puntland.
“Scw, Senetarada iyo Xildhibaanada sharafta leh Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa casho sharaf u sameeyey xildhibaanada iyo senetarada ka soo jeeda Puntland beri oo taariikhdu tahay 16.05.2023 Goobta. Guriga Raysalwasaaraha Waqtiga. 18.30 Bacda maqrib insha allah.”
Xamze Barre ayaa maalmo kahor oraah adag kala kulmay Hoggaaamiyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ugu yeeray in uu yahay Xoghaye, lagala wareegay shaqadii Ra’iisul Wasaaraha iyo in uusan wax awood iyo matalaad ah laheyn.
Hadalkan ayaa jawaab u ahaa sheegistii Xamze ee aheyd in uusan aqbali doonin doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland iyo in Puntland dumeyso haddii laga leexdo nidaamkii 24 sano lagu soo dhisayay ee qabiilka.
War hordhac ah oo ay heshay shabakada MOL ayaa sheegaya in xildhibaanada caawa ka qaybgalaya kulanka ay ku xujeeyn doonaan RW Xamse inuu meel fagaare ah raali galin uga bixiyo hadalkii xanafta lahaa ee ku beegsaday hogaanka iyo shacabka reer Pubtland?
Kuwa ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa dhankooda codsan doona in dhaqaale iyo aqoonsi uu la garab istaago shacabka reer Sool hadii uu doonayo taageeradooda.
Tan iyo markii ay soo baxday jawaabta Madaxweyne Deni, Xamse Cabdi Barre ayaa xiriiro la sameynayay siyaasiyiinta Puntland ee diidan Deni isagoo ka dalbanayay in laga horyimaado, ayna diyaar la yihiin dhankooda dhaqaale walba oo loo baahdo.