Shacabka Soomaaliyeed ee kusugan gudaha dalka 95 % waa shaqo la’aan, arrintaasi waxaa ka dhashay arrimo hagar daamo ku ah nolosha bulshada Tusaale.
- Qeyb ka mid ah shacabka gaar ahaan waalidiinta waxeey owlaadooda ku dadaalan waxbarashada iyagoo rafaad ku gaarsiiya in ay dhameestan waxbarashada heer jaamacadeed, Xaqiiqdii niyada iyo mooraalka ubixii usoo baxay dalka wuxuu lakulmaa Niyad jab markii uu waayay inuu shaqo ku helo aqoontiisa,
- Dhalin yarada oo sicirka guurka qaali ku ah maadama waalidkasto Soomaali ah uu ku xisaabtamaayo gabdhahooda in laga siiyo lacag , waxaana awoodi karo bixinta qarashaadka qof ehelkiisa dibada loojiro ama famil xooga ladan balse inta badan bulshada waaku adagtahay arrintaas badalkeeda waxaa batay Macsida , Kufsiga ,kaaso ka dhasha cuduro aafo ah.
- Dhalinyaradii shaqo la’aanta markii ay arkaan fursadaha shaqo ee DFS hadii ay tahay Xildhibaan , Wasiir, Taliyayaal Ciidan, Gudoomiyayaal Gobolka & Dagmo iyo waliba Agaasimayaal ay helaan kaliya kuwa qurba joog ah isla markaasna dhaqanka xun , Macsida & dhaca hantida qaran kaliya usoo xirtay Jaakada isla markaas fursadahaas ay kaligood ka faaideystaan , dhalinyarada waxeey ku dhalisaa ama ineey tahriiban ama in ay kamid noqdaan ururada argagaxisada si ay uga baadan Ganacsatada.
- Dhalinyarada ciidamada kamid noqoto waxaa mushaaar ahaan loosiiya wax ka yar 200 madaboosho baahidooda kirada qolka Muqdisho meelaha ugu raqiisan waa 60 dolar halka dagmoooyinka qaar uu qolki gaarayo 300, Haddaba Askari leh xaas & caruur looga baahan yahay inuu daboolo baahida familkiisa oo dhan hadii ay ahaan leheed Caafimaadka , Waxbarashada caruurta & daryeelka kale qoyska , xaqiiqdii Askari walbo wuxuu ku nool yahay nolol bahdilan , waxaa waxlala yaabo ah in MW Farmaajo uu heesan wax si sax ula taliyo hadii uu heestana uu yahay Hoggaamiyo indho , Dhago & Qalbi Heysan, Maadama uu si faan & jees jees uu had iyo jeer usheego in mushaarka uu bixiyo isla markaasna udhameestiray xuquuqda ciidamada. dadka soomaaliyeed ayaan waydiinayaa MW Farmaajo ma daboolay baahiyaha ciidamada , hadii jawaab tooda haa tahay , Waa maxay askari isbaaro dhiganaayo, dhac ugeesanayo shacabka waxaa marag madoonta ah in baahiyaha ciidamada aan si sax loo darsin , & show of aysameeyan Madaxda qaranka oo ku dhisan faanka micna la;aanta ah, waxaa marar badan tiifiyada soo istaagay askar u dhaawacmay qaranka ayagoo shaqo qaran hayaan balse maanta aan helin daryeel caafimaadkii ay ubaahnayeen iska daaye askari markii uu gaaro dhaawac daran ehelkiisa ayuu culees ku noqdaa oo Dowlada qof caafimaad leh ayeey rabtaa, hadii uu dhintana xuquuqdiisa inta la goosto ayaa la leeyahay agoonta ciidamada dowlada ma awoodo ineey bixiso xuquuqda agoonta ciidamada qalabka side.
isku soo wada duub shaqa la’aanta ka jirta guud ahaan Soomaaliya ma ahan mid aysan waxba ka qaban karin Dowlada Soomaaliya balse waxbeey ka qaban kartaa hadii qorsho lala yimaado balse majirto hadaf & qorsho u dagsan inta badan musharixiinta oo ku baraarugsan ineey wax ka qabtaan .
MW Farmaajo hadii uu dhalinyarada shaqo u abuuri kari waayay 4 sano ee uu xilka dalka maamulayay muxuu isku soo sharxay ama uu udamacsan yahay inuu markale talada kusoo fadhiisto. shacabka soomaaliyeed aniga suaashaas uga jawaabayo Mohamed Abdullahi FArmaajo dhiig baxa shacabka heesta waxba makagalin hadii dadka gaajo udhimanaayo xitaa iskaba daay Amni daro jirto owgeed, MW Farmaajo wuxuu rabaa danihiisa dhaqaale inuu ku adeegto kursiga Madaxweynaha JFS.
Haddaba masuul fashilmay doorashadiisa waxeey utaala 20 milyan & ka badan ee shacabka soomaaliyeed ka kooban yihiin hadii raali ka yihiin.
Markaan New Face looma baahno majiraan Masuul Soomaaliyeed ee hore losoo tijaabiyay kaaso wax unka badali kara xalada nololeed & amni ee ka jiro guud ahaan gajiga soomaaliyeed.