Maxaa ka soo socda Mudulloodka Shirarkooda Qarsoodiga ah ? Difaacasho Dantooda? !!! Akhriso.

Reading Time: 3 minutes

W.Q: Dahir Noor Cabdulle, Fakar (Opinion)

Waxaa beryahan isa soo taraya cabshooyin kala duwan oo ka imanaya beesa mudullood oo ah dhibaatooyin faquuq ah ee ay dowladda Federaalka ku hayso sidaa ciidanka XDS oo loo sallaxay inay ka soo baxaan aggaaga hore difaaca degaanka beeshu ay degto iyo Xamar oo boob dhuleed iyo mid hantiyeed lagu hayo. Iyadoo qorshaha uu u muuqdo inay beesha la hoos loo dhigo awooddeeda, sumacadeedana la dilo.

Arrinkaan waxaa loo adeegsanayaan dhinacyo badan sida aowwdda dowlladda, tan odayaasl dhaqameed la habeeyey, wasirro iyo siyaasiyiin dhuunta wax ka maqla. Hasa yeshee waxay hadda u egtahyay iany beeshu fahamtay lana soo gaaray xelligii wax ka qaabn lahayd.

Waxay dadku leeyihiin Waxaa iska caddaan ah inuu jiro duullaan kusocda dadka Xamar deggan gaar ahaan Muduloodka, tan oo maalin walba loo sii qaadayo tallaabo hor leh, oo tii hore ka adag,  waana waxa keeni kara in Mudulloodka iyo xulafadooda  qarankaan ay muddada  dheer sida xanuunka badan ugu ilaalinayeen ay ka tashadaan sidaasna uu faraha uga baxo.

Dhibaatada Mudulloddka ay ka cabanayaan, laakiin aan intaan ku koobneyn waxaa ka mid ah:

  1. In qarankii ay muddada dheer ilaalinayeen maanta iyaga lagu adeegsado oo ciidankii ay ku difaaceen caasimadda la kala dirayo, kadib markii lagu shegay ciidan qabiil, balsa ciidan qaran loo qoray Mareexaanka Gedo jooga, Ogaadenka Kismaayo jooga iyo Majeerteenka Garoowe jooga.
  2. In canshuur lagay guro oo aan waxba loogu qaban. Jid ma leh, nadaafad ma leh, biya macaan ma leh, caafimad ma leh, tansa ugu daran amaan ma leh edebdarrana waa loogu sii daryaa oo ciidankoodii waxaa lagu sheegay cidan beeleed iyo caloshood u shaqeystayaal.
  3. In dhuuniraacyo iyaga ka soo jeeda oo loo adeegsado inay lagu bahdilo, kuwaan oo ay u baahan yihii inay muddulloodka meel iska saaraan. Jufa kastaa waa taqannaa dhuuni raaceeda waana qaban kartaa oo saaxadda ka saari kartaa balsa wali laguma tashan ayey hadda leeyihiin.
  4. In hantidooda si sahal ah inta waraaqo loogu sameysto laga boobo iyadoo la isticmaalayo magac xafiis aan iyaga u daneyn.Sida dhulalkii ay Xamar hareerihisa ku lahaayeen oo lagala wareegay, sida degmada deyniile oo laga minguurinayo muduloodka lagana dhigay degmo Murusade.
  5. In ciidanka iyo hay’adaa dowladda laga wada eryey, walina lagu wado iyadoo beelaha kale sida beesha Kheyre oo lagu beerayo xafiis kastaa sida tan dowladaha hoose iyo degmooyinka gobolka Banadir.
  6. Iyo Muddullood oo maanta Xamar barakacayaal ku ah , ahna nasiib darro weyn oo xataa cooshashkii ay dhisteen laga duminayo sida aad ku aragtaan muuqaalkan hoose oo xanuun badan.

Sida cid waliba ogtahay mudduloodka waxaa lagu haystaa maamul goboleedkoodi oo waxaa xoog ku dul deggan dowladda Federaalka oo aan meel kale shaqeyn. Wasirkasta oo dowladda oo ka tirsan waa wasiir maamul goboleedkii Banadir. Farmajana waa Madaxweynihii gobolka Banaadir, halka kheyre oo ah madaxa Xukuumadda waa RW Gobolka Banadir waxayna u dhigmaan MW Xaaf iyo Sheekh Shaakir.

Haddaba si arrinkaan loo saxo waa in mudduloodka la soo sinmaan kheyrkood oo maamul goboleed aysan cidns kala tashan oo dhistaan, kadibna dhulkooda wada xoreystaan oo shabaabka iska kiciyaan ama la heshiyaan oo dowladaha hoose iyo cadaallada u dhiibtaan. Taas oo keeni karta in la wada dhisto qaran Somaliyeed oo loo siman yahay kuna dhisan caddaalad. Mudulloodka waxaa la guboon inay ka tashadaan aayahooda waayo inaycanshuurtooda ku  biilaan 329 xildhibaan oo aysan midna ku lahayn , dantoodana ka soo horjeeda waa doqonimmo weyn. Inay biilaan ciidamo Gedo, Kismayo iyo Garoowe kala joogaa oo haddii la doono iyaga lagu isticmaali karo waa ayaan daaro kale oo keeni kartaa in qarankan la waayo oo ay Khasab noqoto in markale kacdoon la aado.

Haddaba si looga baaqsado caddallad xumadaan iyo in dalka Burburo mar kale waxaa haboon in dadkan cabanaya ay maskax wax ku xalliyaan, midoobaan waxa ay xaq u leeyihiinna ay sameystaan iyagoo la xisaabtamaya dowladda oo ku dhisan canshuurtooda, isla markaana degaakooda deggan hadda.

Bal qiyaasa muddulloodka oo meel iska saara dhuuniqaatayaasha daqanka iyo siyaasadda ee iyaga ka dhasahy kadibna Beyle u diida canshuura hal bil oo kaliya dowladdu waxay iman lahayd miiska wadahadalka waxaana lagu heshiin wax qarankan u dan ah oo ah dowlad loo siman yahay oo cid waliba qeybteeda ka bixiso kharashkeeda aan Xamar laga biilin xildhibaan ka hiillinya oo u daacad ah cidda uu ka wakiilka yahay.

W.Q: Dahir Noor Cabdulle, Fakar (Opinion) – Fakarka Qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga.