Maxaa ka soo kordhay dagaal ka socda magalaada Baydhabo?

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan warark naga soo gaaraya magaalada Baydhabo, Weli waxaa la sheegayaa in Xaafado katirsan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ay isku hor-fadhin  Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwo katirsan kuwa Badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo taageersan musharixiinta diidan muddo kororsiga laftagareen.

Wararka qaar  ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen dad gaaraya ila 12 qof oo ay ku jiiraan dad shacab ah.  Dhanka kale, Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id qabtay ayaa caawa sheegay inay soo afjareen maleeshiyaad u dagaalamayey musharax Fargeeti, isla markaana ay degantahay xaaladda magaalada.

Wasiirka ayaa ciidanka K/Galbeed ka leexiyey eedeyntii loo jeediyey ee ahayd inay weerareen guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, hadana ah musharax madaxweyne oo u taagan hoggaaminta K/Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti, isagoo sheegay in ciidanka musharaxaas ay rasaasta ku bilaabeen ciidanka amniga.

Maanta waxaa degan xaaladda magaalada oo waxaa dib u furmay isku socodka bulshada magaalada, iyadoo dib loo helay isgaarsiinta magaalada Baydhaba oo saacado badan maqneyd. Dagaalkii ka dhacay Baydhaba oo soo bilowday saakay waaberigii ayaa socday mudo 8-sacadood ah, waxaana la xaqiijiyey geerida 10 qof oo shacab u badan, waxaana jira dhaawacyo kale.

Ciidankii la weeraray ee ku sugnaa guriga uu Baydhaba ka degan yahay musharax Maxamed Aadan Fargeeti ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid ciidanka taabacsan Madaxweyne Laftagareen oo 8-saacadood kadib ka laabtay goobta.