Maxaa ka soo baxay shirkii xalay ee Shanta DG ay ku yeesheen gudaha Xalane?

Reading Time: < 1 minute

Shir u dhexeeyay madaxda shanta DG ee ka tirsan DF ayaa xalay lagu qabtay Hotel ku yaal gudaha Xalane kaasoo la sheegay in ku soo dhammaaday is faham iyo in labada dhinac isku soo dhowaadaan sida aay MOL u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shirka ayaa marka hore ku billowday is-eedeyn iyo dood kulul, ayada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay eedeeyeen saddex madaxweyne goboleed ee taabacsan Farmaajo, kana dalbadeen inay qaataan kaalintooda hoggaan oo aysan noqon kuwa wax kasta loo meeriyo.

Dhanka kale, Qoorqoor iyo Lafta-gareen ayaa iska difaacay eedeymahaas ayaga oo Deni iyo Axmed Madoobe ku eedeeyey in caqabadda ay dhankooda ka imaneyso, oo mar kasta oo xalku dhow yahay ay la imanayaan shuruudo cusub.

Waxyaabaha kale ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah ajendaha shirka, ayada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay caddeeyeen inaysan dooneyn in Farmaajo uu shirka guddoomiyo, maadaama sida ay sheegeen uu muddo xileedkiisu idlaada, islamarkaana uusan haysan maqam madaxweyne.

Axmed Madoobe iyo Deni waxay sidoo kale caddeeyeen inay doonayaan daamanadda beesha caalamka, ayaga oo ku dooday inaysan aamini karin Farmaajo.

Ilo-wareedyo ka ag dhow dhinacyadaas ayaa sheegay markii dambe la isku soo dhowaaday la iskuna fahmay laguna ballamay shirar kale oo kan ugu horreeya ay berri subax iskugu imaan doonaan, si loo xoojiyo is faham horseeda in natiijo wanaagsan ka soo baxdo shirarkooda.

Si kastaba, waxaa laga cabsi qabaa in Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, iyo Lafta-gareen mar kale ay isbeddelaan marka ay ku laabtaan Farmaajo, sida horey looga bartay.

Shirkaa oo u gaar ahaa shanta Madaxweyne Goboleed ayaa imanaya kadib markii shalay galab la baajiyay kulan dhex mari lahaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.