Maxaa ka soo baxay shirkii shalay ee Gaalkacyo? Beesha Sacad oo ka hortimid qorshaha Kheyre

Reading Time: 2 minutes

Ka dib markii mudo labo maalin ah ay Beesha Sacad dhexdeeda ka doodaysay in lala kulamo Kheyre ama la diido la kulankiisa ayaa ugu danbeeyntii beesha Sacad shir ay shalay subax isugu timid isku raaceen in loo yeero Kheyre isla markaana la dhageyso fartiinta uu wado.

Dhanka kala Beesha Sacad ayaa dhankooda diyaarsaday jawaabta ay siinayaa Kheyre taas oo ay ku soo koobeen labo qobob oo xambaarsan fartiimo mug leh kana tarjumaya dareenka runta ee reer Mudug.

Shalay Galabtii sadaxdii galabnimo ayaa kulan ay soo qaban qaabiyeen Beesha Sacad loogu yeeray Xasan Kheyre. Kulanka waxa goobjoog ka ahaa dhamaan waxgaradka Beesha oo isugu jira siyaasiyiin, waxgarad iyo oday dhaqameed.

Kulanka markii la furay oo salaamo iyo soo dhawayn la is dhaafsaday ayaa Xasan Kheyre waxa lagu yiri “… adiga ayaa codsatay in a n beesha la kulanto waxaad noo sheegtaa qorshaha iyo fartiinta aad Beesha u wado”.

Kheyre ayaa waqti dheer ku qaatay in uu ka sheekeeyo waxyaabihii uu ka soo qabtay Galmudug iyo hadalo intooda badan u badnaa faan iyo sheegasho guul uu ka gaaray safarkiisa. Waxa kaloo uu ka hadlay in uu magan uga yahay Beesha Sacad in ay hogaamiyaan geedi socodka Maamul u dhiska Galmudug.

Beesha Sacad oo horay aqoon badan ugu lahaa beenta iyo qiyaanada Xasan Kheyre ayaa waxa ayaa si asluubaysan uga dhagaysteen hadalkiisii u badnaa mid iska horimaanayo oo ay ka muuqato qayaano iyo been abuur. Tusaale, mar waxa uu leeyahay waxaan rabaa in ay Beesha Sacad hogaamiso Geedi Socodka Nabada halka uu sidoo kale uu beesh Ceyr u soo sheegay fartiin tan la mida isaga oo in ka badan labo asbuuc uu la soo joogay reer Dhuusamareeb.

Hadalkiisii markii uu dhamaystay ayaa Beesha Sacad waxa u sheegtay Xasan Kheyre 1) in Beesha Sacad ayan go’aan ka gaari karin masalaxada Mudug iyada oo aan marka hore iyada dhexdeeda ayan wadatashan. Waxaa loo sheegay Kheyre in maalinta berito ah uu shir ka furmayo Gaalkacyo, shirkaasna uu ku xigi doono mid ay isugu imaanayso dhamaan beelaha Habargedir kana dhici doono magaalada Hobyo. 2) Beesha waxa ay jawaab buuxda ka bixin doontaa hadalada ka soo yeeray Kheyre marka ay shirarkaas soo dhamaadaan, go’aan loo dhan yahayna la soo gaaro. Waxa Kheyre lagula taliyay in uu joogo magaalada Gaalkacyo inta shirarkaas ka soo dhamaanayaan isla markaana waqtigiisa la qaybsado shacabka reer Gaalkacyo.

Beesha Sacad ayaa si farsamaysan ugu sheegay Kheyre in ayan diyaar u ahaynin in ay marka kale waqti iska galiyaan beenta looga baraty isaga iyo kooxdiisa. Dhanka kale Beesha Sacad ayaan wali ilaabin dhibaatooyinkii iyo jariimooyinkii uu ku sameeyay beesha taas ayaana keenaysa in ayan Beesha Sacad marnaba aaminto Kheyre.
Mid ka mida dadkii ka qayb galay shirkaas oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa yiri “.. ninkaas beesha Sacad fartiin bay u dhiibtay, waxa ayna ka taagatay fariino maano…waxaan filayaa in uu Xamar ku noqon doono isaga oo gacmo maran… hade nin tuug ah dukaankaada ma ku aamini lahayd in uu iibiyo,jawaabtu waa maya”