Reading Time: 2 minutes

RW Xasan Kheyre iyo Madxaweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa soo saaray go’aano wadajir ah oo la xariira maamulkaasi.

Wada-hadallada laba dhinac iyo go’aanka ka soo baxay ayaa u muuqda kuwo aan laga gaarin heshiis sax ah, balse RW Kheyre loo sameeyay madax furasho maadaama uu Farmajo ka sugaayo go’aan wax ku ool ah. Wax heshiis ah oo laga gaaray ma jirto arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale waxa ay isla garteen in Dhuusamareeb ay noqoto Caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda, islamarkaana hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaaladaasi.

Khiyaanada RW Kheyre aya ah in Dhuusamareeb al geeyo ciidamao isaga ka mara qaata si gebi ahaanba loo baabi’iyo Ahlu Sunna kuwaasoo lagau eedeeyay dowladda in ay xiriir la leeyihiin IIRAAN dowladda federaalka ahna ay ka haystaan kalsooni

Falanqeyn iyo wadatashi dheer keddib waxaa la isla meel dhigay:

Halkan hoose ka aqriso:

1. Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado.

2.Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan.

3. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

4. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb.

5. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here