Maxaa ka soo baxay kulankii xalay looga arinsanayay James Swan (Xog muhim ah)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa xalay lagu qabtay Villa Soomaaliya kulan qarsoodi ah oo looga hadlayay talabada laga qaadayo Wakiilka Gaarka ee Xog’hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan. Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlada Fedaraalka oo gacan saar hoose la leh Madaxweyne Farmaajo ayaa soo qaban-qaabiyay kulankaan.

Xildhibaanadii iyo wasiiradii ka qaybgalay kulankaas waxaa ka mid ahaa C/lahi Bidhaan Warsameoo ah wasiirka kaluumaysiga ee dowlada Fedaraalka,  Farax Cabdi Xasanoo ka mida xildhibaanada dowlada Fedaraalka isla markaana ay isku beel yihiin MW Farmaajo iyoCabdiraxmaan Kulmiye Xirsioo loo yaqaano  “Cabdiraxmaan Dheere”oo ka mida golaha wasiirada isla markaana gacan yare u ah Fahad Yasin.

Farmaajo iyo xildhibaanada oo aad uga walwalsan natiijada ka imaan karta   doorashada la filayo in ay ka dhacdo Jubbaland taas oo la isku waafaqsan yahay in uu si fudud ugu guulaysan doono Axmad Madoobe ayaa waxaa ay eeda arintaas dusha uga tureen Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.

Xildhibanada iyo wasiirada ayaa sheegay in hadii Axmad Madoobe   ku guuleysto Jubbaland ay u fududaa doonto James Swan in uu sidoo kale faragaliyo Doorashada Galmudug taas oo iyadana gacanta u gali doonto mucaaradka dowlada.

Si hadaba arimihaas looga hortago kulankii xalay oo qaatay mudo saaco ah ayaa waxa la soo jeedayay labo talo oo is barbar socota; 1) In  Madaxweyne Farmaajo uu dalka ka ceyriyo James Swan iyada oo sabab looga dhigayo in uu faragalin toos ah ku sameeyay arimaha gudaha ee dowlada Soomaaliya.  Waxaana lagu adkeeyay  Farmaajo in uu yeesho geesinimo lamida tii  uu horay ugu ceyriyay Nicholas Haysom. Qaar ka mida dadkii fadhiyay shirkii xalay  ee uu u horeeyo Cabdiraxmaan Dheere ayaa yiri “dhowr maalin ayaa laga hadlayaa ama laga qaylinayaa ceyrinta James Swan ka dibna waa ay iska shuuqaysaa arintiisa”.

Farmaajo ayaa sheegay in uu ka baqayo in caalamka gaar ahaan dowlada Maraykanka ay ka hortimaado arintaan maadaama James Swan uu yahay muwaadin Maraykan ah. Farmaajo ayaa yiri “..aniga oo idinku waafaqsan taladaan oo aaminsan in ay tahay mid xaq ah hadana waxa macquul ah in hadii aan toos u ceyriyo James Swan in xataa Maraykanka  ay ii diidaan visaha dal ku galka ah Maraykanka  marka aan ka qaybgalayo shirka qaramada Midoobay ee dabayaaqada bisha Sebtambar ee sanadkan lagu qaban doono magalaada New York”.

Wasiir C/lahi Bidhaan Warsame iyo Xildhibaan Farax Cabdi Xasan ayaa ku yiri Farmaajo “way adkaan doontaa in dib laguu soo doorto amaba aad sii joogto hadii adan gacan bir ah ku qaban James Swan”.

Farmaajo oo ay ku jirto laba –labayn  iyo talaabada uu qaadayo ayaa waxa uu soo jeediyay talaabo labaad oo  ah 2) In  xuska Ciida Adhxa ka dib  uu qoraal dacwo ah uu u qoro Xog’haya Guud ee Qaramada Midoobayisaga oo ku eedeynaya James Swan faragalinta uu ku hayo arimaha gudaha ee Soomaaliya, ka dibna qoraalkaas loogu dhiibo safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abukar Cusmaan.

Saacado ka dib waxaa uu Farmaajo qaatay go’aanka ah in James Swan lagu dacweeyo Qaramada Midoobay isla markaana dowlada fedaraalka ay yareyso wada shaqayntiisa si uu u dareemo go’doomin siyaasadeed oo uga imaanayso dowlada Fedaraalka.

MOL ayaa loo xaqiijiyay in MW Farmaajo uu isla xalay ku amray ninka ay ehelka yihiin Nuur Diiriye Fuursadeoo ah agaasimaha Madaxtooyada in uu soo diyaariyo darft ama nuqulka koowaad ee warqada si uu u saxiixi doono.