Maxaa ka soo baxay kulankii wakiilada beesha caalamka iyo MW. Farmaajo? (Xog Muhiim ah)

Reading Time: 2 minutes

Kulan albaabada u xiran yahay oo ay yeesheen wakiilada beesha caalamka iyo MW Farmaajo aya waxaa lagu lafaguray xaaladda siyaasadda Soomaaliya oo gaartay heerkii ugu hoosay soddonkii sano ee ay jirtay burburka dowladda Soomaaliya.

Wakiilada beesha caalamka aya walaac ka muujiyay xaaladda amniga, siyaasadda, iyo horumar la’aanta soo deristay dowladda federaalka ah waxayna ku baaqeen in si degdeg ah xal loogu helo arrimaha kor ku xusan. Wakiilada ayaa sheegay in aay tahay mid aan isha laga sii fiirsan karin sida ay dowladda federaalka u xakameyn la’adahay isqabqabsiga kala dhexeeyay dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo golaha sharci dejinta.

Wakiilada ayaa ugu danbeyntii u dhiibay go’aamo seddex ka kooban isla markaana kula taliyay MW Farmaajo in uu sida ugu dhaqsaha badan uga howlgalo isla markaana soo afjaro isqabqabsiga sii dheeraaday ee curyaamiyay nidaamkii horumarka dowladda ee looga fadhiyay in uu sal u ahaado amni, horumar dhaqaale iyo dib u heshiisiin.

Qodobada MW Farmaajo loo dhiibay ayaa kala ah, sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen MOL.

1. In la dhowro sharciga iyo dastuurka dalka, isla markaana si dhaqsa ah xal looga gaaro isfaham waaga Madaxweynaha iyo Baarlabaanka. Xal degdeg ahna loo helo mooshinka Madaxweynaha iyadoo la ilaalinaayo sharciga iyo dastuurka dalka.
2. In MW Farmaajo looga fadhiyo in uu soo dhiso dowlad wadaag ku saleysan awood qeybsi, mucaaradkana ay qeyb ka noqdaan dib u dhiska iyo nidaamka dowliga ah.
3. In doorashada lagu ballansan yahay sanadka 2020 aanay marnaba dib uga dhici karin waqtiga loo cayiman.

Sida ka muuqata go’aamada ay soo gaareen wakiilada beesha caalamka aya waxaa ay caqabad ku tahay RW Kheyre, waxaana xalka ay ka dhex arkeen in la helo RW horseed u noqdo wadatashi iyo dib u heshiisiin taasoo keeni doonta in la helo siyaasad xasiloon si loo sii wado geeddi socodka iyo haykalka dowladnimo.

Sida ku cad go’aamada wakiilada beesha caalamka, waxaa dalka uu geli doonaa u diyaar garow in uu helo RW Cusub horraanta sanadka foodda nagu soo haya ee 2019.