Maxaa ka soo baxay kulankii maanta ee Saraakiisha ciidanka iyo Farmaajo?

Reading Time: 2 minutes

Waxaa maanta ku kulmay xafiiska Madaxaweyna Farmaajo qaar ka mida Saraakiishii ciidanka ee dhawaan laga dhigay buulka ama holwgaba iyo MW Farmaajo. Saraakiishaan oo ahaa Janano qayb weyn ka soo qaatay dagaalkii Al Shabaab dalka looga xureeyay ayaa ujeedadiisu ahayd kala warqaadasho iyo sidii meel loo saari lahaa xaqa ay saraakiishaas ku leeyahay dowlada Soomaaliya.

Saraakiishaan oo intooda badan ka soo jeedo hal beel oo ka mida beelaha Soomaaliyeed ayaa si farsameeysan looga dhigay hawlgab ka dib markii mas’uuliyadoodii lagu wareejiyay wiilal dhalinyaro oo qaarkood darajadoodu tahay kaptan ama Dhame. Saraakiishaan oo waayo arganimo badan u leh hogaanka ciidanka ayaan si buuxda loo ruqsaynin isla markaana aan mas’uuliyad loo dhiibin taas uu qorshaha Farmaajo tahay in ay iyagu iska kala tagaan ayaga oo aan xaq la siinin. Fakarkaan ayaa ah mid  Ka yimid Fahad Yasin oo ay ku jirto dareen aargoosi ah iyo in la abuuro ciidan u adeega danahooda isla markaana loo adeegsado dagaal beeleed.

Kulanka inta uu socday ayaa saraakiisha waxa ay waydiiyeen Farmaajo waqtiga ay helayaan mushaarkooda iyo xaqooda. Saraakiisha ayaa u sheegay Farmaajo  in ay yihiin kuwa ay kooxda Al Shabaab ugaarsanayaan sla markaana an haysanin awood ay isku waardiyeeyaan. Farmaajoayaa u sheegay in aan ciidankaas loo haynin wax dhaqalaaha ah isla markaana iyagu sameeystaan meharad ay isku masruufaan.  Hadalka ka soo yeeray Farmaajo ayaa ahaa mid  u muuqda in uu saraakiishaas uusan dan ka lahaynin kuna faraxsan yahay dhibaatada heysta saraakiisha.

Madaama uu yahay taliyaha Ciidanka waxa ay ahayd Farmaajo in uu qaato go’aan cad oo la xiriira mustabalka Saraakiisha uu maanta la kulmay. Waxaan shaki ku jirin in hadaladii maanta ka soo yeeray Farmaajo ay sii murjin doonto xaalada murugsan ee amniga dalka. Maxeyse keeni kartaa in saraakiil u soo dagaalay dalka xaqooda loogu diido sababtoo ah waxa uu ka soo jeedo beel gaar ah?