Maxaa ka soo baxay kulankii RW Hamsa & Xildhibaanada Puntland?

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanno laga soo doortay Puntland ayaa xalaywaxay kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Kulnkan oo saxaafada dibad-joog ka ahayd ayaa waxaa diiradda lagu saarey dagaalkii Boosaaso iyo sidii dhaawacyada culus ay dowladda u geyn lahayd caasimadda ama dibadda si loogu daaweeyo.

Wararka MOL helayso ayaa sheegay in Xildhibaanada xiriir khadka Taleefonka la sameeyeen madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

Sida ay caddeyneyso xogta, mudaneyaasha ayaa labada mas’uul waxay ka codsadeen in la qaboojiyo xaaladda Boosaaso iyo in wixii dhacay aan lagu xumeyn xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka.

MOL oo la hadlay taliyeyaal sare ayaa loo xaqiijiyey geerida 12 askari oo ka mid ah ciidanka amniga Puntland kadib dagaalka ka dhacay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii gudoomiye ku xigeenka aqalka hoose baarlamaanka Soomaaliya ay damacdey iney gaar magaaladaas iyadoo aan wargalin maamulka Puntland.

Sacdiya ayaa wararku sheegayaan iney dalbatey qaar ka tirsan ciidamada Puntland iney kaga hor-yimadaan garoonka balse taas ay ka hor-istaageen ciidamo kale oo ilaaliya amniga garoonka diyaardaha Boosaaso. 

Diyaarada sidey gudoomiye ku xigeenka ayaa ku soo dagtey garoonka Boosaaso iyadoo uu socdo dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland taas oo shidaal qaadatey dibna ugu noqotey magaalada Boosaaso. 

Gudoomiyaha ayaa horey magaalada Garowe u gaysey macaawino la sheegey in lagu sidey diyaarad taas oo aysan war galin madaxda maamulka ka arimaya degaankaas.

Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah waxay uga hadashay celintii dhacdadan waxay ku warantey in Sacdiya aysan maamulka kusoo wargelin safarkeeda isla markaana ay baalmartey nidaamka federaalka.