Maxaa ka soo baxay kulankii madaxda DFS iyo Isimada Sool & Sanaag?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa xalay casho Sharaf ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku maamuusay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ee maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.

Kulanka oo ay rajo badan ka qabeen shacabka ku dhaqan Sool iyo Sanaag ayaa u muuqda inay ka soo baxin natiijo ramsi ah ee ku saabsan sidii xal waara looga gaari lahaa colaada Laascaanood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa  ku celiyay baaqii dowladda DFS ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.

Isimada dhaqanka SSC ayaa ka doonayay in ay dowlada federaalka u aqoonsato gobolka Sool deegaan hoosyimaada dowlada federaalka, laakiin warar laga soo xigtay isimada ayaa sheegaya in DFS ay arintaa ka biyo diiday, iyada oo doonayso in ay wadahadal la gasho Somaliland oo mid ah oo Laascaanoodna ka mid tahay.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.