Maxaa ka soo baxay kulankii hogaanka Al Sunna W. ee shalay lagu qabtay Dh/Mareeb

Reading Time: < 1 minute

Waxaa shalay lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb shirwayne ay ka soo qaybgaleeen hogaanka  guud ee Ururka Al Sunna Wajameeca kuwaas oo ka kala yimid deeganada Galmudug  ka kooban tahay iyo degaano  kale oo ka tirsan daka Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxa looga arinsaday guud ahaan xaalada guud ee ay ku sugan tahay AL Sunna Wajeemca ee degaanka Galmudug. Waxaana si gaar ah loogu gorfeeyay heshiiskii ay Al Sunna Wajameeca la gashay Xasan Kheyre iyo meeshii uu ku danbeeyay.

Culumada Al Sunna  Wajeemca ayaa waxa ku jira dareeen ah in Xasan Kheyre qorshaynayo in uu khayaano AL Sunna isaga oo garab ka dhiganaya Dowlada Fedaraalka, damacna uga jiro in uu la wareego hantida iyo hogaanka Al Sunna.

Inkastoo MOL ayan wali helin xogta buuxda ee shirkaas hadana warar hordhac ah ayaa sheegaya in Al Sunna Wajameeca ayan marnaba ogolaan doonin in dhiigii Shuhaada ee dhiigooda iyo maalkooda u bixiyay sidi looga adkaan lahaa khawaarijiinta, Wahaabiyada. Al Islah  iyo kooxda ka soo horjeeda danta Soomaaliya in ayan si farsamaysan kula wareegin deegeenka Al Sunna.

Wararka dheeraadka ah iyo go’aanada   ka soo baxa shirkaas gadaal ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.