Guddigga Arrimaha Dibada ayaa ayaa kulan la yeeshay wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Jaamac Haruuse.
Kulanka waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Guddigga Arrimaha Dibadda Xildhibaan Cabdulaahi Bidhaan Warsame. Ajendaha kulanka Guddigga iyo Wasaaradda ay ka wada hadleen ayaa ahaa seddex qodob oo kala ah.
1: Xoojinta wadashaqeynta Guddiga iyo Wasaaradda.
2: soo gudbinta qorsho howleedka Wasaaradda.
Xubnaha guddigga ayaa su,aalo la xarriiro shaqada wasaaradda weydiiyay wasiir Abshir Cumar Jaamac Haruuse Oo uu waheliyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xildhibaan Isaaq Fanax, Xoghaye Joogtada Wasaaradda iyo Howlwadeeno sare Wasaaradda
Wasiirka ayaana ka jawaabay dhamaaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha guddigga Arrimaha Dibadda.
Ugu dambeeyntii kulanka guddiga iyo wasaaradda ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo in ay dhex marto wada shaqeyn buuxda.