Sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoon yahay waxaa hada soo dhamaaday kulankii u dhaxeeysa Isimadda Dhaqanka ee beesha Dhulbahante iyo Wafdi ka socday dawladda Itoobiya.
Wafdiga oo markoodii hore la soo kulmay madaxda Somaliand ayaa u tagay magaaala Garowe si ay u dhageeystaan Dhanka beesha Dhulbahante ee la xiriirta dagaalka Laascaanood.
Sida ay sheegayaan Warar hordhac ah, odoyaasha dhaqanka ayaa dareenkooda ka hadlay iyaga oo soo hadal qaaday dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen.
1- Isimaddu waxay sheegen in duulaan lagu soo qaaday, magaaladooda la burburiyey si kasta walina weerar lagu yahay- iyagu aysan marnaba weerar aheyn, magaalada ay difaacanayaan dadka deegaanka oo aysan Argagixiso joogin.
2- Waxay beeniyeen in ciidanka Somaliland xabadjoojin ay dhaqangaliyeen, waxay sheegeen in dadka deegaanku iska difaaceen 8 weerar oo waa weyn oo ay kusoo qaadeen magaalada Laascaanood.
3- Kaabayaasha bulshada la burburiyey (Isbitaalka dhammaan qeybihiisa, xarumihii danta guud, Korontada oo shaqaalaheedii la afduubay, qaar la dilay qalabkiina la waxyeeleyey).
4- In nabad iyo xabadjoojin ku imaanayso in ciidanka Somaliland lagu celiyo xadkoodii, lagana saaro gobalka Sool, sidii ay soo saareen 6-dii bishii Feb-2023, maalinkii dagaalku bilowday.
Wafdiga Itoobiya ayaa dhankoods sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xal waara looga gaari lahaa dagaalka Laascaanood.
Itoobiya ayaa cabsi ka qabta in dagaalka daba dheeraada uu keeni karo inay kuwa nabad diidka ay ka faa’iideystaan, Sida Al Shabaab iyo Daacish.
Dhanka kale Itoobiya ayaa ay ku adkaan doontaa inay ogolaato in Somaliland kala go’do iyaga oo Somaliland u arka deegaan ay iyaga maamulaan, kuna shaqeeyso amarada uga yimaada Addis Ababa.