Maxaa ka soo baxay kulankii caawa ee Guudlaawe, Qoor-qoor & Fahad Yasin? Fashilinta shirka WQ

Reading Time: < 1 minute

Fahada Yasin ayaa waxa uu isugu yeeray kulan  deg deg oo ay ka soo qaybgaleen Ali Guud laawe, Qoor-Qoor  kaas oo looga hadlaayay sidii loo fashilin lahaa shirka Wadashiga Qaran oo lagu wado in uu maalinta berito ah ka furmo magaalada Muqdisho.

Sida MOL ku heshay xog rasmsi ah,  Shirka caawa oo  kad hacay Hotel Peace dhawaana soo dhaamaaday  ayaa waxa looga arinsaday sidii loo xaqiijin lahaa in labadaan  Dowlad Goboleed ay si wadjira uga horimaan lahaayeen go’aanada la doonayo in ay ka soo baxaan shirkaa Wadatashiga Qaran.

Fahad Yasin ayaa labada Madaxweyne ku amray in ay  qaadeen tilaabo kastaa oo fashilin karta shirka berti loo balansan yahay taas oo ay ka mid tahay in gabi ahaanba Cali Guudlaawe uu  berito ka safro magaalada Muqdisho una safro Magalaada Baladweyne si shirka u furmin.

Dhanka kale, musharaxiinta u tartameysa kursiga Madaxweynaha dowlada Federalka ee intooda badan ka soo jeedaan labadaas dowlad Goboleed  (Galmudug iyo Hirshabelle) ayaa u muuqda kuwa hurda iyada oo uu Fahad Yasin ku tagrifalayo deeganadii ay ka yimadeen. Sidee bay musharaxiintaas Soomaali kursi kaga raadsan karaa  Soomaaliada kale mar hadii deeganadii ay ka soo jeedeen uu Fahad Yasin sida uu doono ka yeelayo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!