Maxaa ka soo baxay kulanki Xildhibaanada Digil & Mirrifle  iyo Gud. Mursal?

Reading Time: < 1 minute

Kulankii uu maanta Gudoomiye Mursal la qaatay xildhibaanada Fedaraalka ee ka soo jeeda beesha Digil iyo Mirrfile  ayaa waxaa ka soo baxay afar qodob:

1.In wixii ka dahcay Baydhabo Gudi rasmi ah loo saaro lana helo dad lagula xisaabtamo dhibkii ka dhacay deegaankaas.

2, In beesha Liisaan oo dhibka intiisa badan soo gaaray si macquul ahna madaxa loogu salaaxo si nada loo helo

4.In arintii Mukhtaar uu Mursal warcad uu ka keeno dhinaca Farmaajo iyo Kheyre4Hadii la helo qodobada kor ku xusan la muujiyo in lala shaqeeynayo Lafta Green

Sida  uu u sheegay MOL mid ka mida dadk ku dhaqan deeganka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday qoraalka maanta ka soo baxay kulankiii Mursal.  Waxa uu yiri “Xildhibaanada Digil iyo Mirrifle iyo Gudoomiye Mursal oo laga sugayay in ay ka dhiidhiyanaan xasuuqii ka dhacay Baydhabo ayaa ku soo koobay hadalkoodii Anagaa is badbaadiney”.