Maxaa ka soo baxay kulamadii xalay Laftagreen & Deni ku dhexmaray Garowe?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowladda Gololeedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo maalintii shalay ahayd si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland ayaa isla xalay galay kulamo kala duwan.

Madaxweyne Laftgareen iyo Wafdigiisa oo maalmo joogi doona Magaalada Garoowe isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu saraysa Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada.

Warar hordhac oo ay heshay MOL ayaa sheegaya in kulankii xalay lagu soo hadal qaaday sidii loo abuuri lahaa isbaheysi buuxa ee dhexmara labada Maamul Goboleed, kaas oo looga soo horjeesanayo dowlada Federaalka.

Waxaa isla xalay kulan ka khadka taleefanka lagula yeeshay MW Qoor Qoor iyo MW Axmad Madoode kuwaas oo lagu martiqaaday in ay ka soo qayb-galaan kulan wadatashi ah oo asbuucaan soo socda ka dhici doono magaaalada Garowe.

Qoor Qoor ayaa xaqiijiyay inuu ku biiri doono kulankaas, halka Axmad Madoobe oo uu dhankiisa ka sheegay inuu ka soo fiirsanyo in uu yimaado Garowe iyo inkale. Axmad Madoobe iyo Saciid Deni ayaa waxa horay ugu dhaxeeysay dareen colaadeed oo aan wali xal loo helin inkastoo oo uu hada dhexdhexaadin ka dhex wado madaxweye laftegareen.