Maxaa ka soo baxay kulamadii gaar gaarka ahaa ee ka dhacay Baydhabo?

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka  Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xoojiyay kulamada la isugu soo dhoweynayo Madaxda DG Koofur Galbeed & Musharrixiinta mucaaradka ah.

Madaxweyne Xasan & Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa kulansiiyay Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen & qaar kamid ah Musharrixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas gaar ahaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulankaan ka dhacay madaxtooyada DG Koofur Galbeed, iyaga oo kawada hadlay sidii diiraddda loo saari lahaa ka gudubka is faham darrada siyaasadeed si looga shaqeeyo howlaha hortebinta leh ee horyaalla Koofur Galbeed.

Sida ay MOL u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Madaxweyne Laftagreen ayaa lagu qanciyay in mudo 7 bilood ah logu diro waqtigiisa  taas oo ku ekaanayso bisha Agoosto ee sanadkaan, inta u dhaxeeysana uu soo diyaariyo doorasho loo dhan yahay.

Mar hadii Laftageen helo 7 bilood oo raali loog yahay waxaan shaki ku jirin inuu ku soo diamaan doonto 12 bilood maadaama aan la garan karin caqabadaha imaan kara mustaqabka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ku taliyay in madaama ay jirto kalsooni daro lagu qabi karo MW Laftagareen ay Wasaaradda Arimaha Gudaha ee dowlada Federaalka ay iyada soo xusho xubnaha baarlamaanka cusub.

Talaabadan ayaa waxa soo dhaweeyay Midowga Musharaxiinta, laakiin dhanka kale waxa ay dhaawac ku tahay dowladnimada Koonfur Galabeed waxa ayna u muuqanaysaa in Konfur Galbeed dib loogu celiayay inay nooqo Gobol hoosyimaada dowlada Federaalka.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 2 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 2 people, people sitting and indoor