Maxaa ka socda HirShabelle (Qorshaha Farmaajo, Maqnaanshaha Waare iyo aamusmaanta Mucaaradka)

Reading Time: 2 minutes

Maxaa ka socda Hirshabeelle..? waa su’aal dad badan is weydiinayaan xilli lagu dhawaaqay liiska xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulkaasi oo lagu wado inuu dhowaan doorto Madaxda cusub ee Hirshabeele.

Howshu waxay ku socotaa si xowli ah, iyadoo aanay ka dhex muuqan dowladii Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana shaacinta liiska xildhibaannada lagala hor maray inta uusan maanta xilka la wareegin Wasiirka cusub arrimaha gudaha Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax.

Xulista Baarlamaanka ee Hirshabeelle looma hakin qoraalkii kasoo baxay Madaxweynaha Hirshabeelle ee waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdi Waare ee Guddiga howsha wada ee uu isagu magacaabay uga hor yimid, waxaana gabaabsi noqotay qeyladii Beesha ugu weyn Gobolka ee k xilka Madaxweynaha.

Waxaa gebi ahaan waxa ka socda Hirshabeelle ka aamusay madaxdii mucaaradka ee kasoo jeeday oo ugu horeeyo madaxweynihi hore Shariif Sheekh Axmed, iyagoo aan wax door ah ku lahayn dhismaha maamulka labaad ee ka socda Jowhar.

Waxaan Qormadan ku furfureynaa su’aalahaas iyo qorshaha Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin u dejiyeen dhismaha maamulka sida sahalka ah ugu gacan galay ee Hirshabeelle.

Maxaa ka socda Hirshabeelle..?

Baarlamaanka labaad ee Hirsahbeelle ayaa la dhisay, iyadoo howshu ku socoto sidii ay Madaxtooyada Soomaaliya u dejisay, waxaa amniga sugaya ciidamada gaarka ah ee Booliska dowladda Soomaaliya ‘Haramcad’.

Qorshaha Madaxtooyada intiisa badan suuragalay, waxaana xildhibaannada la soo xulay ka dhex muuqda taageerayaasha dowladda Soomaaliya iyo xubno ay wadatay, iyadoo ay u harsan tahay in xilka Madaxweynaha la doorto musahraxa ay wadato ee Cali C/llaahi Guuudlaawe.

Madaxweyne Cabdi Waare

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdi Waare ayaa gebi ahaan u muuqda in la inqilaabay, isagoo bannaanka ka jooga doorashada maamulkii bedeli lahaa oo ay ka shqqeynayaan guddi uu magacaabay, kadibna uu shaqada ka joojiyey laakiin amarkiisa dambe socon waayey.

Madaxweyne Waare oo saaxiibo dhow la noqday Madaxweyne Farmaajo xilliyadii ugu danbeeyay waxaa la sheegay in la siiyey balanqaadyo dhowr ah, kuwaasoo keenay inuu sidan u dhaqmo, taariikhadana ku galo madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulkiisa isagoo bannaanka ka taagan Doorashadiisa saluugsan la dhiso, loona maamulo.

Madaxda Mucaaradka

Madaxda Mucaaradka ee kasoo jeeda Hirshabelle sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/qaadir Cosoble iyo Xasan Sheekh oo dhinac ka saameyneyso waxaa lagu qataaray Cali Guudlaawe oo madaxtooyada Soomaaliya ay Madaxweyne u wadato, taasoo qasab ku noqotay inay ka aamusan waxa socda intii ay muuqan lahaayeen inay ka horjeedaan Cali Guudlaawe oo ay isku heyb yihiin oo xil sare u muuqdo.

Xasan Sheekh wuxuu beeshiisa ugu eedeysan yahay xilligii uu madaxweynaha ahaa inuu jagadiisa dhaafsaday xuquuq ay ku weyday maamulka Galmudug, wixii ka dhacay Hirshabeelle iyo maqaamkii Muqdisho oo uu waxba ka qaban waayey, kumana dhaco inuu xilligan Hirshabeelle farageliyo ama saameyn ku yeesho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/qaadir Cosoble ayaa ku qasban inay si hoosena u taageeraan Cali Guudlaawe, taasoo ay ugu wacan ahay sida dhow ee ay isku jufada u yihiin iyo xisaabaad gudaha ah oo khaldamaya.

Beesha Hiiraan

Beesha Hiiraan ugu weyn ee xilka Madaxweynaha u doodeysay waxaa qeylo-dhaantii ay wadeen kala dhantaalay markii wasiirka Arrimaha gudaha loo magacaabay Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, xilkaas oo qataar ku noqday siyaasiyiinta Beesha ee gadoodsanaa kuna kacsanaa Madaxweyne Farmaajo, markii uu arrintan qeyb ka noqday Ugaaska Beesha oo u dhowaaday Farmaajo.

GABAGABO

Arrimahaas oo dhan marka la isku daro waxay Hirshabeelle Beylah uga dhigeen inay ka adeegtaan Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, kana fushadaan qorshahooda dhow inkastoo inay xaqiijiyaan damacooda Doorashada Federalka ee 2020/2021 aan lagu qiyaasi karin sida Hirshabeelle ugu toostay.