Maxaa ka Run ah Eedda Qabiileysan ee Sanetor Gaagaab Ka Qaylisiisay?

Reading Time: < 1 minute

Iimaan Allaa uur buusho ayey tiraahdaa Somalida haddii wax kastaa lagu siiyo laakiin aaminka iyo iimaanka kaa maqan yihiin way adkaanee inaad qanacdo.

Senetor Maxamed Cali Yusuf Gaagaab ayaa waxaa uu bannaaka la soo istaagay in awood qeybsiga beelaha la jebiyeyey markii dowlladda Xamza Cabdi Baare uu soo dhisayey oo beeshiisa Daarood loo Darnaaday.

Waxaa weliged jiri jirtay in Beesha hoose ee uu ka dhashay Senetorka ee Majeerteen aysan beelaha kale ee daarood u aqoon in ay beesha Daroodnimo ku matali karaan.

Inkasta oo uu feker khaldan iska yahay haddana wasaaradaha A-da loo yaqaaanno ee kala ah Gaashaandhigga, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Arrimaha dibadda lakala siiyo beelaha isu haysta inay yihiin kuwa ugu tunka weyn beelaha Somaliyeed.

Digile iyo Mirifle, Dir, Hawiye iyo Daarood ayaa kala haysta. Awood qeybsigaan waxba lagama badalin markii uu joogay MW Daarood ah iyo RW Hawiye ah oo waa sidoodii.

Haddaba Senetorka ma wuxuusan Daaroodnimo u ogoleyn Ogaadeen oo wuxuu rabi lahaa in Jagadaas  beeshiisa Majeerteen ku matasho Daarood oo Ogaadeenka magaca beesha Darood hogaan kuma qaban karaane waa dabajoog miyaa ku ku jirta waayeelkan ugu da’da weyn golaha senedka?

Waxaa haboon in ragga siyaasadda ku jiraa ay mar waliba joojiyaan siyaasadda awrkacsiga iyo jugeysiga la yiraahdo oo ay mar waliba isticmaasho Puntland.

Odayaashana da’da iyo cimriga wax u ha u taro oo yeysan noqonin erayadii abwaankii aqoonyahanka ahaa ee Maxamed Xashi Dhamac Gaarriye Allah hun “

Haddaan Guga Kuu Kordhaa     Gabow Mooyee ku Tarin

Garaad iyo Waaya Arag             illeyn wax ma dhaantid Geed”