Muqdisho Online waxaay Maqaalkaan si taxadar leh ugu eegeysaa isla markaasna ku ifineysaa Xiriirka Qarsoon Ee ka dhexeeyo Kenya & Madaxweyne Farmaajo iyo waliba Halka ayku danbeen doonto kiiska dacwada Bada ee yaallo Maxkamada Caalamiga ICJ.
Hadii aan waxyar ka bidhaamiyo Ololihii Doorashada Madaxweyne Farmaajo 2016 waxaa saldhig u aheyd Magaalada Nairobi Kenya, wuxuu tageero xoogan ka heestay Dowlada kenya iyadoo la xasuusto Gudoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya mudane Aadan Bare Ducaale uu dhowr jeer isku dayay inuu abaabulo Banaanbax lagu tageerayo Farmaajo in lagu qabto xarada qaxootiga dhadhaab ama qeybo kamid ah Dhulka Kenya .
08 February 2017 Baarlamaanka JFS labadiisa aqal waxeey doorteen Madaxweyne Farmaajo.
22 February 2017 caleema saarka Madaxweyne Farmaajo waxaa kasoo qeybgalay Madax badan oo caalamka ah si gaar ah waxaa wafuuda timid Timid Muqdisho kamid ahaa Madaxweynha Kenya Uhurru Kenyaate balse arrinta xiisaha leh ayaa ah Diyaaradii keenta Madaxweyne Uhuru Kenyaata inuu saarna oo uu kaso dagay Raisal Wasaare Khayre idinkoo kadaawan kara muuqalka soo dhaweeynta Uhuru Kenyaata .
Mudo kooban iyadoo jirta Dowlada uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxeey bilaawday ineey dacaayado marin habaabin ku fidiso baraha bulshada iyadoo uga jeeda in shacabka laga dhaadhiciyo in Madaxweyne Farmaajo uusan gorgortan ka gali doonin qadiyada bada sidaasi darteed Kenya ay bilaawday ku xad gudubka madaxbanaanida Soomaaliya sidii ay culees diblumaasiyad u saari laheed Madaxweyne Farmaajo .
9 May 2019 Musharax Madaxweyne Jubaland Seeraar ayaa Magalada Muqdisho ka raacay Diyaarad asagoo usii jeeda Kismaayo , Seeraar wuxuu diyaaradii la raacay biskoolad taaso aanan sharciga dalka waafaqsaneen balse laga lahaa ujeedooyin qarsoon.
Isla 9 May 2019 diyaaradii siday Musharax Seeraar waxeey kadagtay Kismaayo waxaana durbadiiba isku dhac dhaxmaray Musharaxa iyo ilaalada Airporta taaso markii danbe seerar uula soo baxay Biskooladii uu watahay.
10 May 2019 Dowlada Kenya qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay in la joojiyay duulimaadka tooska ee Muqdisho & Nairobi sababo Amni awgeed iyadoo aan fasiraad dheeri ah laga bixin balse laga fahmi karo in ay sababtu tahay in aan leesku haleen karin Airportka Muqdisho Maadama Rakaabka aysuurta gal tahay ineey la raacan diyaarada Biskoolad ama noocyada kale ee hubka ah sida Musharax seeraar uu ula raacay Diyaaradii u qaadeysay Kismaayo.
Durbadiiba Kooxda baraha Bulshada u qaabilsan Madaxweyne farmaajo waxeey bilaabeen ineey buun buuniyaan goaanka Kenya ee joojinta duulimaadka tooska ah ee Muqdisho & Nairobi isla markaasna waxeey muujinayeen in Kenya ay culees ku saareeyso Madaxweyne farmaajo inuu kala hadlo Kiiska Bada ee yaalo Maxkamada Caalamiga ICJ.
Markaan warbixin kooban ka dhiibo sida uu ushaqeeyo Airporta Muqdisho hababka baarista Rakaabka & Alaabaha laga dhoofinayo marnaba suuragal ma ahan in qof rakaab ah uu baaris la’aan diyaarad raaco ama hub lafuulo ,
Markii Hub loo fasaxaayo in laga dhoofiyo Airport ka uu leeyahay habraac dagsan sida In Bayloodka diyaarada loodhiibo Hubka lasaarayo Diyaarada Rakaabka ah kadib markii ay diyuurada gaarto goobtii ayku socotay Bayloodka Hubka wuxuu ku hubsanayaa gacanta Taliska Amniga Airportka kadib ayaa qofka iska leh hubka asagoo wato waraaqadaha cadeenayo inuu leeyahay ayuu utagayaa Taliska Amniga Airportka sidaasuuna ku qaadanayaa hubkiisa marki lahubiyo kadib.
Hadaba in Seeraar uu la raaco biskoolad diyaaradii uqaaday Kismaayo & shaqaaqadii ka dhacday Airport ka gudihiisa 9 May 2019 iyo waliba Goaankii Kenya ee kasoo baxay taariikhdu markeey aheyd 10 May 2019 ee lagu joojiyay dulimaadka tooska ah ee Muqdisho & Nairobi ay aheyd mid qorsheysan lagana lahaa ujeedo ah in la muujiyo xasarad siyaasadeed ee ka dhaxeeyso Kenya & Somalia taaso lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed & Siyaasiinta Mucaaradka ku DFS.
Sida lawada ogyahay DFS waxaa u xiran maxaabiis faro badan kuwaaso looheesto danbiyo kala gadisan Maxaabiistaas waxaa kamid ah Maxaabiistaas Argagaxiye Sh. Xassan Daahir Aweys , Shiekh Muqtar Roobow Ali Abu Mansuur . & Qaarkaloo badan , Majiro Maxbuus awoodi kara inuu ka baxsado Xabsiga ay ku jiraan .
Haddaba Suaasha iswaydiinta mudan ayaa ah sidee ayuu u baxsaday Xabsia Abdirashiid Janan Wasiirka Amniga Jubaland ugana dhoofay muqdisho, sinabad galyana ku gaaray Kismaayo ? Maka xigmad & Dhaqaalo badan yahay Maxaabiista kale ee u xiran DFS mudo sanado ah mise si kutalagal ayaa loosii daayay maadama ujeedadii looxiray laga gaaray ?
Xaqiiqdii qabashada wasiirka amniga jubaland waxeey aheyd mid qorsheysan oo aykasoo baaran dageen Dowlada Kenya & Madaxweyne Farmaajo waxaana looga gonlahaa in lagu muujiyo dagaalka u dhaxeeyo Kenya & Soomaaliya si loomarin habaabiyo shacabka & Siyaasiinta mucaaradka ku DFS. waana lagu guuleestay qorshahaas sidii loogu talagalay.
3 February 2020 Dowlada Madaxweyne Farmaajo waxeey ciidamo qorsheysan u daabushay Gobolka Gedo si xiisadii mudo faro badan la abuurayay iyado baraatig ah latuso shacabka soomaaliyeed lagana dhaadhiciyo in cadaawada kenya ay tahay mid xaqiiq ah .
2 Marc 2020 Ciidamada Dowlada fadaraalka Soomaaliya waxeey wareer qorsheysan ku qaaday fariisimaha Ciidamada Jubaland ee Gobolka gado halkaaso qasaaro dhimasho & dhaawac kadhacay.
Kooxda ololaha baraha bulshada Madaxweyne Farmaajo waxeey bilaabeen in ay faafiyaan fariimo wadaniyadeed ayagoo ka dhigaaya Ciidamada Jubaland kuwa Cadow ah oo laga xureeyay dhulka soomaalida balse arrinta xusida mudan ayaa ah in Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolka Gedo & Jubooyinka aysan jirin wax weerar oo lagu qaaday .
Xaqiiqdii cadow tinimada lagumuujo Baraha Bulshada in ay nagala dhaxeeyso Kenya ma ahan mid saameen ku leh xiriirka diblumasiyadeed ee ka dhaxeeyo labada dowladood ama labada hogaamiye ee waa mid borobagaando ah lagana leeyahay ujeedo iska cad oo ah maaweelada shacabka & siyaasiinta mucaaradka ku ah DFS.
Sida aan wada ognahay Muqdisho waxaa ku sugan Safiirka Kenya u fadhiya Somalia wuxuu bixiyaa fiisaha dalku galka Kenya wuxuu si joogta ah uga qeyb qaata kulamada ay soo qaban qaabiso DFS sido kale safiirka waxeey wadashaqeyn toos ah kala dhaxeysaa Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya oo maalin walbo u qorta warqado codsi bixin dalku galka Kenya.
Hadaba dowlado dagaal ka dhaxeeyo ama muran soo kala dhaxgalo sida Kenya & Soomaaliya sidee u yeelan karaan xiriir diblumaasiyadeed , Ganacsi , Waxbarasho , Amni & Dalxiis . iyadoo DFS Maalgalineeyso Ololaha kasocday Baraha Bulshada ee lagu muujinaayo cadowtinimada Kenya nagala dhaxeeyso ? oo maxeey loola jeeda wadashaqeyn toos ah ee ka dhaxeeyso Kenya & Somalia ?
Waxaa meeshaas ka cad in xaalad aan jirin ay DFS abuureyso sidee ugu qariso Arrimaha Masiiriga ah sida qadiyada bada oo ay hishis hoose kula gashay Kenya in Maxkamada Laga soocelinaayo ama looxukumaayo inta laga gaarayana hirgalinta hishiiskaas waxaa lamarin habaabinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed sidii aysan uga kicin qiyaamada lagu boobayo dhul badeedkooda.
9 March 2019 Si loomiijiyo xiriirka xun ee Kenya & Soomaaliya waxaa Raisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmedayaa soo kulan siiyay Madaxweyne Farmaajo & Uhuru kenyaate asagoo muujinaayo inuu dhaxdhaaxaadeyo labada dowladood oo muranka ka dhaxeeyo .
25 September 2019 Madaxweynaha Masar Abdifataax siisi ayaa kulansiiyay Uhuru Kenyaata & Madaxweyne Farmaajo asagoo fulinayo Codsi uga yimid Kenya arrintaasi ayaa markale muujineysa in labada hogaamiye xiriirkooda xun yahay .
waxaa wax lagu qoslo ah Dowlado xiriir diblumaasiyad leh oo had iyo jeer wadashaqeyn ka dhaxeeyso oo caalamka ka codsanaayo hanala kulansiiyo . runtii arrintaasi waxeey aheyd mid lagu xoojiyo howlaha kasocda baraha bulshada si loogu xaqiijiyo shacabka soomaaliyeed in Madaxweyne Farmaajo uusan gorgortan ka galeeynin arrimaha Bada oo taalo Maxkamada Caalamiga ICJ & in uu qilaaf adag kala dhaxeeyo dhigiisa Kenya .
15 November 2019 waxaa magalada Nairobi ku kulmay Madaxweyne farmaajo & Uhuru kenyaati iyadoo lagu hishiiyay in lasoo celiyo duulimaadka tooska ah ee Muqdisho & Nairobi iyadoo aanan lashaacinin in la xaliyay doodii Kenya ama isku mowqif laga noqday xaalada taagan .
Markale arrintaasi waxeey ku tuseeysaa in caqligeena lagu ciyaarayo Dadka Soomaaliyeed loo arko kuwa jaahiliin ah oo aanan marna fahmeynin dhagaraha lala damacsan yahay , Madaxweyne Farmaajo asagaa noo sheegay Kenya ineey Cadow notahay Hadana asaga lee noosheegay ineey walalaheen yihiin oo xiriir aad u wanagsan nagala dhaxeeyo Hadaba muwaadin ogoow lama shaacinin in laaga hishiiyay Dooda labada dal Ma Kenya ayaa lootanaasulay Dacwadii ayaa lasoo celinayaa Mise Somalia lootanaasulay oo badeedii ayaa loo daayay aniga magaranin labada af ee Madaxweyne farmaajo wuxu uga jeedo.
Muwaadin Ma ogtahay Baarlamaanka JFS inuu noqday Goob lamarsiisto go’aana loobahan yahay oo aysan jirin isla xisaabtan dhab ah oo ay ku sameeyaan Hey’adaha Fulinta . baarlamaanka waxa looqeybiyay 4 qeybood.
- Qeyb ka tirsan Golaha Wasiirada XFS.
- Qeyb dhaqaalo toos ka qaato Madaxtooyada, Xafiiska Raisal Wasaaraha & Xafiiska G/Gobolka banaadir.
- Qeyb Mucaarad ah balse mucaaradnimadooda ku eg indhahooda waxaa ay uga jeedan marnaba masuuliyad iskama saaran ineey so bandhigaan siraha qarsoon .
- Gudoonka Golaha Shacabka oo ah kuwa fuliya kaliya Rabitaanka & siyaasada Madaxweyne Farmaajo. waxeeyna fiirsadaan danahooda dhaqaale.
Muwaadin ma ogtahay Hey’adii Sirdoonka Qaranka ee aruurin laheyd xogaha halista ah ku ah JFS in ay ushaqeeyso dano shisheeye iyo ineey usheegeyso sidii kursiga ku hayn laheyd Madaxweyne farmaajo.
Muwaadin ma ogtahay 3 jeer in kiiskii bada ee taalay Maxkamada caalamiga ICJ ku guuleestay doodii ay wadatay Dowlada Kenya.
Haddaba Muwaadin Ogoow Kiiska Bada waxaa uu wajahayaa laba arrimood oo aad halis u ah .
- in dib loso celiyo taaso marnaba aanan tageeri doonin danaha Qaranka Soomaaliyeed
- in dhulka biyaha badeena loo xukmin doono Kenya
Aaway Shacabkii lahaa Dhulkaan , Aaway Aqoonyahanadii wax usoo bartay dalkaan . ogaada Maskax aan soomaali aheyn in dalkeena lagu maamulaayo hadii aan loo istaagina waxeeey tageeysa meel aan si sahlan wax looga qaban karin.