Maxaa ka Jira in Xabsigga la dhigay Ilaalada Gudoomiye Jawaari!!

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada la magac baxay badbaadada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wax laga xukumaado ku tilmaamay in Ilaalada laga kaxeysto Afhaheenka Golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo lagu eedeeyay in ciidamo badan oo uu watay ay la wareegeen shalay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa dhankiisa iska foogeeyay in uu asaga ay ka amar qaadanayeen ciidamadii lawareegay shalay Xarunta Golaha Shacabka.

Jawaari wuxuu yiri ”11 Askari oo ilaalo ii aheyd ayaa leyga soo reebay afaafka hore ee Xarunta Golaha shacabka, gudaha xaruntana waxaan ugu imid ciidamo tiro ahaan badan oo qalabeysan, oo dhowr dareys kala wata, marka ciidamadaas tirada badan miyaan aniga hogaaminayay, caqliga caadiga ah ayaa diidayo ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Taliyaha ciidamda xoogga dalka soomaaliya ayaa sheegay in la qabtay ciidankii hubka la galay xarunta Golaba Shacabka Shalay, waxaana xusid mudan in xarunta Golaha Shacabka ay buuxeen Ciidanka iskuugu jiro Boolis, Milateri, Nabad sugid iyo AMISOM,  halka markii hore xarunta Golaha Shacabka ay ilaalin jireen Ciidamo isugu jiro Booliis iyo AMISOM.