Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.
Sababta uu madaxweyne Faraamjo u tagay Magaalada MArka ayaa waxaa la sheegay in ay tahay sidii uu u dhiirrigelin lahaa Guutada 14ka Octobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku hirgashay baaqii Madaxweynaha ee ku aaddanaa in dhallinyaradu ay u istaagaan difaaca dalkooda, kaddib xasuuqii Soobbe ee 14kii Octobar sannadkii 2017kii.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo gooni gooni ah la yeshay saraakiisha ciidamada iyo odiyaasha iyo waxgarad qeybaheeda ka duwan eek u sugan Magaalada marka ee Gobalka Shabeelaha hoose.
Sidoo kale Warar ay Heshay MUQDISHO ONLINE ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Goob uu ku sugnaa Xalay Weerar lagu qaaday waloow Ciidamada Dowladu ay iska cabiyeen Kooxdii weerarka soo qaady