Maxaa ka jira in Wariyayaal u shaqeeynaayay Idaacadda Al- shabaab ee andulus duqeeyn lagu dilay

Reading Time: < 1 minute

Warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada ayaa baahisay in ciidamada xoogga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay duqeymo ka fuliyeen Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Wariyaal u shaqeeya Al-Shabaab.

Sidoo kale General Bogmadow ayaa waxaa uu sheegay in weerarka uu si gaar ah kaga dhacay xarunta Idaacada Andaluus oo ku hadasha Afka  Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsan  Al-shabaab iyo Afar wariyaasha Al-shabaab ah, islamarkaana Qalabkii Idaacadaas lagu bur buriyay weerarka duqeynta iyo dagaalka isugu jiray, sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha Militariga ma sheegin magacyada Wariyaasha iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab loogu dilay Duqeynta ka dhacday Magaalada Bu’aale ee Jubbada dhexe.

Ma jiraan weli Wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab, kaasi oo ay kaga jawaabayaan hadalka ka soo yeeray Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka.

https://youtu.be/eq4bZ9f3TP8

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!