Sida ay qoreen qaar ka mida wariyayaaasha ka faalooda siyaasadda dowlada Israa’iil ayaa sheegaya in asbuucii la soo dhaafay ay tageen magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil wafdi ka socday dalka la magac baxay Somaliland.
Wafdigaan oo si qarsoodi ku tagay Israa’iil ayaa marka ay dhameysteen shirarkoodii ee magaalada Tel Aviv waxa ay codsadeen in la geeyay oo ay ku soo tukadaan masaajidka wayn ee barakeysan ee AL Qudus.
Dowlada Somaliand ma beennin safarkaas isla markaana ma aysan qiran. Dowladda Somaliland ayaa bilihii u danbeeyay waxa ay dar-dar galisay baadigoobka ay ugu jrto aqoonsigeeda. Ma aha markii ugu horeeysay oo ays oo baxaan warar aan ah ee ka hadlaya xiriiirka labada dhinac. Qaar badan oo ka mida siyaasiyiinta Somaliland ayaa rumeysay in Somaliland iyo Israa’iil ay leeyihiin xiriir gaar ah.
Bishii Nofeenbar ee sanadkii 2018 ayaa wargeyska caanka ah ee The Jerusalem Post waxa uu qoray maqaal uu ugu magac daray “Somaliland iyo Israa’iil waa walaalo mar hore kala lumay: