Maxaa Ka jira In Shabaab ay Rabaan in ay Adeegsadaan Dayuurdaha aan Duuliyaha lahayn?

Reading Time: < 1 minute

Dawlada Mareykanka ayaa shaacisay in ururka Al shabaab ay bilaabeen adeegsiga diyaaradaha drones-ka loo yaqaano ee iyaga meelaha fog laga hago,iyadoo tan ay halis badan ku tahay weeraro ay ku qaado Xarumaha Dawlada Soomaaliya ku shaqeeyaan Madaxda Qaranka.

Sarkaal sare oo katirsan dowladda Maraykanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay in ururka Al shabaab ay haatan biloowday adeegsiga tijnoolajiyadda si ay u fuliso weeraro lagu hoobto.

Jeffrey DeLaurentis oo ah la taliye sare oo ka tirsan xafiiska ergeyga Maraykanka u fadhisa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Al shabaab ay haatan isticmaalayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones ka, si ay u sahmiso, una hesho xogo sirdoon oo ku aaddan bartilmaameedyada nugul.

Al shabaab ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah Dawlada iyo Dawlad gobolleedyada dalka ka jira,iyadoo bishii hore Agoosto ay weerar ka fuliyeen caasimada Muqdisho ay hotel ku yaalla ay muddo 30 saac ah ka dhex dagaalamayeen.

Faah faahinada la helay iminka ayaa ah in Shabaab oo ah laan ka mid ah Urur weynaha Al Qaacida ay hadda isku diyaarinayaan sidii ay Dawlad Islaami ah unoqon lahaayeen,si la mid ah Daalibaan ay Afgaanistaan ula wadaageen.

Xigasho: Warqaaq