Maxaa ka jira in Saadaq joon uu qaarajin rabay Taliye Cabdi Dheere oo shalay ka bad-baaday qarax (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Shalay duhuradii waxaa qarax gaarigiisa loogu xiray ka bad-baaday taliyaha ciidamada Hay’adda Nabad sugida ee Galmudug Cabdi dheere,qaraxaasi oo ka dhacay wadada makka-almukarama gaar ahaan agagaarka Xaaji Baasto.

Warar soo baxaya oo ay heshay MOL ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyaha Ciidamada Booliska ee gobolka Banaadir Saadaq joon uu ku lug lahaa falkaasi lagu damacsanaa in lagu qaarajiyo Cabdi dhaare.

Ilo xog-ogaal ah oo inoo waramay ayaa waxaa ay sheegayaan in Cabdi dheere oo maalmahaan joogay gobolka Banaadir la damacsanaa in loo dhiibo taliye ciidan ama lagu bedelo saadq joon,hadal heeyntiisa ayaana teegneed.

Saadaq joon oo xilkiisa uga baqay Cabdi dheere ayaa abaabulay fal lagu qaarijinaayo,inkastoo alle ka bad-baadiyay,waxaana hada bilaawday tuhun weeyn oo arrinkaan la xariira.

Qaar ka mid ah dad asxaab dhaw la ah Cabdi dheere ayaa MOL u sheegay in falkaan la rumeeysan yahay in uu ka dambeeyo saadaq joon oo u arko qofka kaliya ee bedeli karta in uu yahay Cabdi dheere.