Maxaa ka jira in Kooxda Daacish iyo Ciidamada Puntland Dagaal ku dhex-maray buuraha Galgala

Sida ay kusoo waramayaan wararka aynu ka heleeyno  Gobolka bari gaar ahaan Buuraha galgala ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi dagaal xoogan uu ku dhex maray Ciidamada difaacada Maamulka Puntland iyo kooxda daacish

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Puntland ay weerareen fariisin ciidamada Daacish ay ku lahaayeen deegaanka, sida saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen.

Saraakiisha ciidamada Puntland u hadashay ayaa sheegay in Daacish ay ka dileen dagaalyahano badan oo ku sugnaa saldhig ay ku lahaayeen buuraha Galgala, waxaana ay sheegeen inay hub ka qabsadeen.

dhanka kale saraakiisha ayaa sheegay in kooxda ay ka saareen deegaano dhowr ah oo buuraha ka tirsan, walow Daacish dhankeeda ay guulo ka sheegatay dagaalka.

Buuraha ee Galgala waxaa ka taagan xiisad dagaal waxaana ciidamada Puntland la sheegay inay heegan galeen, sida saraakiisha u hadashay ciidamada ay warbaahinta u sheegeen.

Advertisements
Xayeeysiin