Maxaa Ka Jira In Gudoomiye Jawaari Iyo Kooxda Qas Wadayaasha Golaha Shacabka Ay Wada Fadhiisanayaan

Reading Time: < 1 minute

Waxa weli taagan xiisada u dhexeysa Golaha Shacabka iyado Manta uu baaqday kullan ay la lahayeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa kulamo waxay ka soconayeen magaalada muqdisho, gaar ahaan Madaxtooyada Soomaaliya, kulamadaasi ayaa ahaa kuwoo xal loogu raadinayay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari.

Wararkan ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu soo magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood, oo la kulmi doona guddi kale oo dhanka Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo Xildhibaanada mooshinka wada ka imaanaya, si ay xal ugu raadiyaan xiisada siyaasadeed ee taagan.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kulan deg deg ah ay ku yeelanayaan Villa Hargeysa gudi ka kooban 14 xubnood oo ka kala yimaanaya labada dhinac ee kala ah dhinaca Mooshinka wada iyo dhinaca ka soo horjeeda.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in xubnaha Guddiga 7-da xubnood ee Jawaari uu magacaabay ay la kulmi doonaan Madaxweynaha, si ay uga arrinsadaan xal u helida arrimaha taagan iyo sidii sharciga loogu kala bixi lahaa.

Madaxweyne Farmaajo aya baal maray Dastuurka iyado uu Mooshinka uu qeyb ka noqday Madaxweyne Farmaajo.