Wararka nagasoo gaaraya Saakay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo xoogan oo ka tirsan kuwa Milatariga lagu arkaayo agagaarka Ex-control Afgooye ilaa hanta-dheer halkaasi oo ay suuragal tahay in ay kasii sameeystaan rug KMG ah.
Ciidamadaani ayaa waxaa ay wataan hub culus iyo gaadiid dagaal waxaana ay u badan yihiin kuwa kazoo baxay gobollka sh-hoose.
Dadka deegaanka ayaa MOL u sheegay in ay ka baqanayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi maadaama aysan goobta ka fogeeyn Ciidamo boolis ah,
Ciidamadaani ayaa ah kuwa aad uga careeysan hadalkii R/wasaare Kheeyre,waxaana ay wacad ku mareen in aysan furumaha ku laaban doonin ilaa ay ka helaan xaqooda islamarkaana uu R/wasaarahu bixin raali-gelin buuxda.