Maxaa ka jira in cabdi Ileey Iscasilaayo,Maxuusa Abiy Axmed ka Damacsan yahay Jigjiga!!

Reading Time: < 1 minute

Dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay waxaa Magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka taagnaa Rabshado iyo kacdoono shacab kuwaasi oo lagu diidanaa Fara-gelin uu Milatariga federaalka Itoobiya ku sameeyay Deegaano ismaamulka hoos-tago oo ay Magalada Jigjiga ka mid tahay.

Warar aynu heleeyno ayaa waxaa ay sheegayaan in la qorsheeynaayo xal ka gaarida arinkaani waxaana la filan karaa in isbedel Maamul uu ka dhaco jig-jiga xubno ka socda Federaalka Itoobiya ayaa imaanaya Magaalada,sida aan xogta ku heleeyno.

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa sidoo kale suuragal ah in uu xilka ka dego si uu loo qaboojiyo Rabshadaha taagan,waxaana dadka qoorkood ay aaminsan yihiin in tani fursad u noqon doonto R/wasaare Abiy Axmed Cali oo si weeyn u saluugsanaa  nidaamka Jigjiga.

Soomaali aad u farabadan ayeey Oromadu dileen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay kuwaasi oo qaarkood baangado qoorta looga jaray ,taasna kama uusan hadlin wali R/wasaare abiy axmed cali,waxeeyna tuhun gelisay Shucuubta Soomaaliyeed oo aad uga xumaaday.

Dad badan ayaa waxaa ay ogaal ku yihiin in hormaro kala duwan ay ku tilaabsadeen Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,inkastoo ayna la mid aheeyn Maamulada kale ee Dalkaasi ka jira,Maadaama ay ahaayeen Maamulkii Ugu Dambeeyay ee ogolaaday Nidaamka Ismaamulka,Su’aalaha la isweeydiinaya ayaa waxaa qeeyb ka tahay Cabdi Maxamuud cumar,xilka maka tagayaa sideesa ismaamulka ahaan-doonaa,waa Allaahu Aclam