Dhawaan waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir Ibraahim Macalin Cabdullahi,waxaana xilkaasi si KMG ah loogu dhiibay nin ay qaraabo yihiin Agaasimaha Hay,adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad yaasiin Xaaji Daahir oo lagu magacaabo Ciise Maxamed Ciise.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xilkaasi looo magacaabay C/risaaq Xusul oo shaqsi si aad ah ugu jajaban Villa Somalia islamarkaana ka mid ahaa Gudigii Doorashooyinka Galmudug ee soo dhisay Maamulka Qoor~qoor.
Nabad iyo Nolol ayaa Xusul ka damacsan in uu cadaadis saaro siyaasiinta ku beesha sida Xassan Sheekh Maxamuud.
Dad badan ayaa aaminsan in Hay,adahii Nabad sugida lagu milay siyaasada taasi oo caddeeyneeysa Magacaabida xusul maadaama uusan ahayn shaqsi arrimaha Amniga wax ka yaqaan.
Milkiilaha Dowlada Fahad yaasiin ayaa aaminsan in awoodaha Dowlada ay muhiim u yihiin shaqsiyaadka la midka xusul ee la adeegsan karo