Maxaa ka jira in Axmed Madoobe diiday Baaq ay usoo jeedisay Beesha Caalamka

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa lagu eedeeyay in uu diiday talooyin ay usoo jeediyeen Beesha Caalamka oo ku aadan doorashadda Jubba-land.

Maxamed aadan Xuseen Oo kamid ah siyaasiyiinta Jubbland oo la hadlay idaacada simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in Axmed Madoobe oo aaminsan yahay fikirkii ahaa “in kismaayo isagoo meyd watay uu soo galay,islamarkana uu ka baxo isagoo meyd wata.

Waxa uu sheegay in xubno ka socda beesha caalamka oo yimid kismaayo ay kala  hadleen in uu ka tanasulo doorashadda Jubbland balse uu arintaas diiday.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in Maamulka jubba-land hogaanka u hayaan hal qabiil oo axmed Madoobe ku abtirsada,islamarkaana taasi aan la aqbali Karin