Dowlada Qatar ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay ku mashquulsanayd sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhex jiro muran dhanka Badda ah. Dowlada Qatar ayaa doonaysay in dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya lagu xaliyo wadahadal oo ay Soomaaliya ay ka tanaasusho dacwada taal maxkamada caalamiga ah.
Dhanka kala Xasan Kheyre ayaa lagu casuumay horaantii Sanadkan magaalada Doha ee dalka Qatar halkas oo uu ku soo ogolaaday in Qatar dhexdhexaadiso Soomaaliya iyo Kenya. Hadaba dad badan waxa ay isweeydinayeen danta ugu jirto dowlada Qatar in ay xaliso khilaafka u dhaxeeya labada dal?
Hadaba waxa hadda soo ifbaxaday in dowlada Qatar heshiis la gashay dalka Kenya oo lagu baarayo shidaalka ku jira bada Kenya , gaar ahaan dhanka soo xigta Soomaaliya. Shirkadda Batroolka ee ay maamusho dowladda Qatar (Qatar Petroleum) ayaa ku dhawaaqday heshiis ay la gashay Shirkaddaha Eni iyo Total, si ay saami ugu yeelato 25% sahminta shidaalka saddex Baloog oo ku yaala Xeebaha Kenya.
Qoraal Twitter-ka ku shaacisay Shirkadda Qatar Petroleum ayaa lagu sheegay in 25% ay ka heshay Shirkadaha Eni iyo Total oo kala ah (13.75% Shirkadda ENI iyo 11.25% Shirkadda Total), waxaana meelaha sahminta shidaal ee ay heshiiska ku qaadatay ka mid ah saddex balloog oo kala ah L11A, L11B iyo L12.
Heshaanka labada dal ayaa lagu shaaciyay qaybaha kala duwan ee warbaahinta Kenya iyo Qatar. Shirkadda ENI ee laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa horay loogu eedeeyay inay baaritaan sharci darro ah ka wado dhul badeedka ay Kenya sheeganeyso ee ka tirsan Soomaaliya oo ay ka sameyneysay shidaal baaris.
Nasiib xumo ma jiraan siyaasad cad ama aqoonyahano Soomaaliyeed oo arintaan kala taliya dowlada Soomaaliya si ayan dowlada Qatar uga faa’iidaysan muranka u dhaxeeya labada dal. Inkastoo dowladda Soomaaliya ay xiriir dhow la leedahay Qatar, waxaa su’aal la gelinayaa arrimaha soo baxay intee la eg ayay dowladdu aaminii kartaa siyaasadda Qatar ee ku aadan dhinaca Shidaalka.
