Maxaa ka dhaxeeya ansaxinta sharciga shidaalka iyo talaabooyinka ay qaaday dowlada Kenya (..XOG)

Reading Time: 2 minutes

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shalay ansixiyay Sharciga Batroolka, kaddib codeyn gacan taag ah, 150 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 4 Xildhibaan ay diiday, ma jirin cid ka aamustay. Sharcigan oo ay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre aad u daneyneysay ayaa soo maray marxalado kala duwan oo ahaa doodo la xiriiray sharcigan oo ku soo beegmay xilli horaantii bishii February lagu qabtay magaalada Lodon kulan lagu xaraashayay sahankii shidaal ee laga sameeyay Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa dhowr asbuuc ka hor ku wargalisay dowlada Soomaaliya in ay dib u dhigto xaraashka shidaalka Soomaaliya gaar ahaan degaanada la isku haysto ilamaa xal laga gaarayo dacwada u dhaxeeysa labada dal ee la xirirta xuduudaha badda. Dowlada Kenya ayaa waxaa lagu wargaliyay in asbuucaan dowlada Soomaaliya loo soo dayn doono lacago horumaris ah oo la xirirta ceelasha ku yaalo deeganada muranka ka jiro. Lacagta horumariska ah  (Laaluushka) ayaa ku xirnayd ansaxinta sharciga shidaalka.

Xassan Cali Kheyre oo isaga dan dhaqaale ka leh ceelasha la isku haysto ayaa waxa uu degdegsiimo ku wadaa sidii lacagta hordhaca ah u soo gaari lahayd xukumadiisa. Dowlada Kenya oo  lacag badan ku bixisay in ay shaqaaleeysiiso qubaro iyo aqoonyahano ku xeeldheer arimaha badaha iyo shidaalka ayaa lagu wargaliyay in Xassan Kheyre oo ay dabada ka riixayaan shirkado shisheeye ay bilaabeen in ay iibgeeyaan ceelasha la isku haysto. Ansaxinta baarlamaanka ee sharica shidaalka waxa ay fasax u siisay shirkadahaas in ay bilaabaan qaabkii ay u iibgeeyn lahaayeen shidaalkaas.

Dowlada Kenya ayaa waxa soo foodsaaray wal-wal ah in madaxda dowladda Soomaaliya ayan diyaar u ahaynin in xal loo helo muranka u dhaxeeya labada dal ama ha noqoto mid lagu xaliyo maxkamad caalamiga ama qaab ka baxsan maxkamad oo isafagard ah.

Xassan Kheyre ayaa u muuqada mid doonaya in uu soo dadajiyo dagaal dhex mara labada dal isaga oo u arkaayo in ay sahleyso in shacabka Soomaaliyeed lagu mideeyo la dagaalanka dalka Kenya. Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku soo baraarugay maanta talaabooyin ay qaaday dowlada Kenya laakiin waxa ka maqan xogta ah in dagaalkaan aan laga fiirsan la soo abaabulay Villa Soomaaliya si shacabka loogu mashquuliyo talaabooyinka ay qaaday dowlada kenya ama Kenya loo tuso cadow ku soo duulay dalka Soomaaliya.

Waxaan shaki ku jirin in xildhibaanada u codeeyay sharciga shidaalka ayan war u haynin colaada ay ka dhex abuureen Soomaalida dhexdeeda iyo tan laga dhex abuuray Soomaaliya iyo Kenya. Diidmada loo diiday xildhibaanadda in ay soo galaan dalka Kenya ayaa ahayd mid looga jawaabayo talaabada aan laga fiirsan oo ay qaadeen saacado ka hor.

Su’aashu waxa ay tahay maxaa keenay in Soomaaliya ku degdegto in ay lacag ka qaadato shirkado shisheeye iyada oo aan dhamaan dacwada u dhaxeeysa labada dal ee Soomaliya iyo Kenya?. Qubaro badan ayaa rumeysan in hadii dacwada loo dhaaafo maxkamada caalamiga ay u badan tahay in ay Soomaaliya guuleysato! Hadiiba ay fursadaa haysato Soomaaliya maxaa keenay in lagu degdego in lacag laga qaato shirkado shisheeye oo coalaad aan loo baahnayn la abuuro?.