Afartii bilood ee ugu danbeysay ciidan sirdoonka Soomaaliya (NISA) oo aanan qaadan wax mushaar ah, aya waxa loo sheegay in bishan ay qaadan doonaan mushaarkii ka maqnaa.
Markii ay soo xaadireen aya lagu wargeliyay in la dhimay mushaarkooda qaar, qaar kalana loo sheegay in laga maarmay howshii ay u hayeen qaranka.
In ka badan 350 sarkaal aya lagu wargeliyay in ay dhammaatay howshii sirdoon ee ay u hayeen qaranka Soomaaliyeed iyadoo aanan loo sheegin wax cudurdaar ah. Saraakiisha lakala diray ay u badan hal beel, halka kuwa mushaarkooda la dhimay loo sheegay in ay qaadan doonaan bishii $200 oo doollar halka qaar uu aha mushaarkooda $500 oo doollar bishii.
Kusimaha agaasimaha NISA Fahad Yasin aya sheegay in uu wado dib u habeyn uu ku sameynaayo hay’adda NISA balse loo arkay in uu bartilmaansanayo beelo gaar ah halka uu hay’adda ku soo celiyay rag hore loogu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab oo qaarkood laga dhigay madaxda sare ee sirdoonka Gobolka Banaadir.
Dhawaan ayey aheyd markii Sirdoonka Reer Galbeedka ay soo gudbiyeen qatar ka dhex jirta hay’adda NISA, taasoo ah in Shabakad xoogan ay ka dhex dhisan tahay Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka taasoo uu madax u yahay Sakariye Ismaciil Xirsi oo horey usoo ahaa Madaxi Amniyaadka Alshabaab.
Saraakiisha lagu eedeeyay in xiriir la leeyihiin Shabaab oo hadda la wareegay hoggaanka hay’adda NISA aya waxaa ka mid ah.
- Zakariye Ismaaciil Xirsi oo u dhashay Mareexaan,
- Muqtaar Ismaaciil Cabdi oo u dhashay beesha Isaaq,
- Aadan Cabdi Wayax, oo dhashay Beesha gugundhabe,
- Maxamed Bukhaari Admed oo u dhashay beesha Reer Ow-Xasan
- Muqtaar Ibraahim Isaaq oo isna u dhashay beesha Raxanweyn.
Halkan ka akhriso eedeynta loo soo jeediyay iyo sida ay Madaxtooyada isaga indha tirtay.