Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa si dardar leh u bilaabay in uu sameeyo kulamo isgu jira fogaan arag iyo koox Xamar la joogta oo shirka ka wada qeyb gashay.
Shirka waxaa xaadir iyo fogaan arag uga qeybgalay:
- RW hore ee Somliya Cali Maxamed Geedi
- Bashiir Axmed Salad.
- Farax Macallin Dawaare-Kenyan
- Cabdiwahad Cabdisamad oo ah horay isu afduubay kana madax ah mac-had HASS.
- Fahad Axmed Dahir (Fahad Yasiin)
- Cabdiraxman Dheere iyo Xil. Cabdishakuur Cali Mire
Kulanka waxaa gadaal markii dambe kaga soo biiray Xasan Cali Kheyre oo loo yeeray. Arrimaha la iskula soo qaaday ayaa xoogeedu waxaa uu ahaa sida ay u suuragali karto in Farmajo la soo celiyo, haddii la waayana cidda la dhisanayo.
Dood dheer oo lagu kala aragti duwanaaday waxay ahayd in Farmajo uu soo noqon karo iyo inuusa soo noqon Karin waxaana loo batay in Farmajo ay adag tahay inuu soo noqdo inta uu jiro guddoonkan cusub ee Barlamanka oo ay kala hogaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Sh Aden Madoobe. Waliba waxaa aad loo sheegay in Sheekh Aden Madoobe ay tahay in Meesha laga saaro fursadda ugu horreysa ee la helaa sidii Jawaari laguna badalo Xasan Cabdi Nuur.
Si taas loo helaana loo baahan yahay:
- In Doorashada madaxweynenimada la daahiyo oo la abuuro caqabad kasta oo keeni karta inay daahdo. Dhibaatana ay tahay haddii uu Aden Madoobe dedejiyo doorashada inaan wax badan laga qaban Karin, balse la dadaalo.
- In haddii Farmajo laga quusto lagu badasho Xasan Cali Kheyre lagulana heshiiyo inuu fulinayo qodobada kala ah inuu Xasan Cabdi Nuur uu keeno gudoomiyaha iyo in laga tashado cidda uu RW U magacaabayo. Sidoo kale inuu Xoghayaha golaha shacbiga la geeyo ruux la isku hallayn kara oo buux laga qaado, lana helo ruux halkaas ka qaban kara shaqooyinka la rabo.
Waxaa isaga ballan loo qaaday in haddii uu soo noqdo Farmajo, Cali Maxamed Geedi laga dhigo RW soo socda,walow ragga qaar ay ka biya diideen iyagoo xusay wixii uu Cabdulaahi Yusuf ku sameeyey, hasa yeeshee Farmajo ayaa ballanqaaday in Cali uu yahay qof uu ku kalsoon yahay, isla markaana dagaal yahan ah, kaas oo weliba u diyaar ah inuu wax weyn ka qabto qaddiyadda Jubaland oo loo celiyo ciddii xukumi jirtay Kismaayo.
Ugu dambeyntii waxaa la isku raacay in lagu soo daro Xasan Cali Kheyre kadib markii uu Fahad soo jeediye dhowr qodob oo kala ah:
- In Kheyre uu yahay qof gareystay inuusan ka maamrmin Farmajo iyo kooxdiisa oo ay ku socdaan weerraro kaga imanaya mucaarid, Villadana ay ka joojiso dacayadaha uuna rabo inuu iska dhigo dhibane halka uu dhagarqabe ka yahay.
- Inuu diyaar u yahay inuu Xasan Cadi Nuur Golaha shacbiga u dhiibo oo Sh Aden Madoobe ka saaro.
- In uu wada tirtiro dhamaan dacwadaha wada afka furan ee ku wajahan Farmajo iyo Fahad.
- Inuusa ka hadli doonin Doorashao qof iyo cod ah ilaa laga hubsado inay kooxda Farmajo ay ku soo baxayaan oo wada laga leexin karin.
- In arrimaha shidaalka uu uga dambeyn doono Maxamed Xashi Carrabey iyo Wasiirka Shiikhaalow, laakiiin loo ogol yahay inuu ku soo darsado ismaciil Goonni iyo Gaambe.
Kheyre ayaa isna ballanqaaday inuu fulin doono dhamman qodobadaan haddii isaga lagala shaqeeyo oo xataa haddii uu xukun maxakamdeed yimaado uu cafin doono cid kasta oo ku lug yeelataa oo kooxdan ku jirtaa.
Shirka waxaa kaloo lagu heshiiiyey in la bilaabo dayacado xoog leh oo ku wajahan mucaaradka, gaar ahaan cidda loo arko inay horjoogsan karto arrimahan, iyadoo Fahad iyo Kheyre ay ballanqaadeen lacagaha ku baxaya hawshaan oo degdeg loogu baahan yahay in guda galo.