maxaa ka cusub Muqtaar Roobow

Reading Time: < 1 minute

Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa goordhow la filayaa inuu warbaahinta kula hadlo magaalada Muqdisho, waxaana wariyaasha ay sugayaan Shirkiisa Jaraa’id.

Xarunta NISA ee magaalada Muqdisho ayaa loo diyaariyay inuu warbaahinta kula hadlo, waxaana wariyaasha geeyay halkaasi bahda warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Lama oga waxyaabaha uu ka hadli doono, balse waxaa loo badinayaa inuu ka hadlo soo xeritaankiisii iyo arrimaha doorashooyinka Koofur Galbeed.

Wariyaasha ayaa gabi ahaanba loo diiday inay Live Facebook ka sameeyaan Shirka Jaraa’id ee Mukhtaar Roobow.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in maanta la filayo in albaabada la iskuugu dhifto xabsiga GODKA JILACOW oo inta badan lagu xeri jiray shaqsiyaadka Al Shabaab looga shakiyo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!