maxaa ka cusub Magaalada Baydhabo

Reading Time: 2 minutes

Waalidiinta Dhalinyaro badan oo Kuxiran Xabsiga Magaalada Baydhabo oo Mudaharaadyadii Baydhabo lagu soo qabqabtey ayaa maalintii Labaad soo buuxdhaafiyay Saldhiga,waxaana ay dalbanayaan in Caruurtooda loo sii daayo.

Dadka ku xiran ayaa waxaa ku jira Haween iyo dhalinyaro da’yar sidda ay sheegeen qaar ka mid ah waalidiinta hordhooban xabsiga Magaalada Baydhabo.

Waalidiinta ayaa waayay cid la hadasha, waxaana la sheegay in taliyaha Ciidanka Booliska Baydhabo uu amar ku bixiyay in aan dadkaasi xabsigaasi laga sii deyn ilaa iyo Amar dambe.

Ku dhawaad 300 ruux ayaa ku jirta xabsiyadda Magaalada Baydhabo,kuwaasoo oo waday Banaanbaxyo looga soo horjeeday xarigii wadaadka lagu magacaabo Sheekh Mukhtaar Roobow oo dhawaan laga soo xiray Magaalada Baydhabo.