Maxaa isku soo beegay in Dowladda Turkiga ku wareejiso DF xarunta TURKSOM, iyo imaatinka ciidanka Gor Gor?

Reading Time: < 1minute

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska ee Gorgor oo tababar ku soo dhameystay dalka Turkiga ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo ay keentay Diyaarad Milateri ee ay Turkiga leeyihiin.

Ciidankan tababarka soo qaatay ayaa ah Ururka 15aad ee Ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandooska Gorgor ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Saraakiil kale.

Imaanshaha Ciidankan iyo tababarka ayaa ku soo dhameysteen dalka Turkiga ayaa ku soo aaday, iyadoo uu jiro walaac laga qabo in ciidankan loo adeegsado arrimo siyaasadeed, iyadoo ciidankii qeyb ka ahaayeen shaqaaqadiii dhacday 19 February iyo weerarkii lagu qaaday Hotelka Maa’ida ee ay degenaayeen Madaxweynayaashi hore iyo agagaarka Daljirka Dahsoon.
Dowladda Turkiga ayaa maalintii shalay ahayd shaacisay in xarunta Tababarka ee TURKSOM aay ku wareejisay Dowladda Federaalka ah taasoo dhalisay shaki badan in ciidanka Gor Gor ee xarunta aay u tahay TURKSOM uu Farmaajo u isticmaali doono in uu cudud ciidan ku sii joogo dalka.
Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in aay ku taageereyso Farmaajo in uu nidaam kaligii talisnimo ah dalka ku sii joogo, waxaana arrinta walaac badan ka muujiyay wadamada Mareykanka iyo kuwa midowga Yurub oo dagaal siyaasadeed kala dhexeeyo Dowladda Turkiga.