Maxaa Horyaalla Shirka Madaxda Federaalka iyo MG ee  Xamar Ka Furmay Maanta.

Reading Time: 2 minutes

Waxaa marag ma doonto ah inuu dalku marayo xaalad kala guur ah oo  uu u baahan yahay inay caqligooda isu geeyaan, maskaxdooda Shiilaan madaxda dalka hogaamineysa maanta iyagoo qaadanaya masuuliyadda ay dhaarta ku mareen inay shacbiga Somaliyeed daacad ugu adegayaan.

Dagaalka shabaab ee ay garteen beelaha Somaliyeed inuu gooynayo halbowlaha noloshooda, goostayna inay iska xoreeyaan waxaa uu u baahan yahay inay madaxda Mamulgoboleed si cad ugu biiraan, gaar ahaan kuwa ka caga jiidayaa haddii kale iyaga laftooda ayaa ku dambeyn doona inay shacbiga iska dulqaadaan waayo waxaa la bartay inay khalad tahay in loo adkeysto hogaan ama xukun xun kaas oo mar waliba ku dameyn doona in la iska dulqaado sida shabaab.

Waxaa jira madax weli hor taagan in la dagaallanka shabaab loo dhaqaaqo mana jirto caqliyad keeni karta in ay shabaab isku urursadaan meelaha aanu dagaalka ugu furneyn, taas oo ay ku yeelan karaan awood badan, berrina loogu baahdo ciidan iyo agab ka badan kan hadda looga eryi meelaha ay joogaan.

Dhinaca kale, madaxda maamul goboleedyada ha ogaadaan masuuliyad wadareed ayaa dalka ka saaran, waxayna inta badan u dhaqmaan inay yihiin “ Marti kooytee ii makooynee anii lamadeey galaanaa fadee”. Arrinkaan waxaa uu keenayaa inuu dalku kala socdo oo xaaladaha u baahan cod iyo cudud mideysan aan lagu guuleysan.

Waxaa iyadana aad muhiim u ah inay waxa lagu heshiiyaa lawada ilaaliyo oo la fuliyo si dalka uu u noqdo dal sharci ku dhaqma oo madaxda ugu sarreysa loola xisaatami karo sida qofka caadiga ah loola xisaabtami karo, marka ay sharciga ku gafaan ama xadgudbaan.

Waxay shacbiga aad u jecelystaan marka ay madaxdii dalka ka shirayaan sidii dalkaan horay loogu wadi lahaa, waxaana madaxda waa Hogaanka Dowladda FS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ka gudbaan xaaladaha yar yar ee qaarkood dano iyo jufo ku dhisan.

Taariikhdu waxay idinku abaal marin doontaa maanta Meesha aad ka gashaan halgan dhiigga ku daatay ee umadda Somaliyeed ay indhaha idinku soo wada hayso, iyagoo idinka fila:

  1. Inaad u naxdaan si shacbigan meel walba ku dhibaateysan ay nabad iyo barwaaqo ugu noolaadaan-Ogaada qeyb ka tihiin cidda ka hortaagaan inuu dalkaan hagaago oo nin waliba wuxuu ku dhegan yahay daraf iyo dacal.
  2. Inaad si degdeg dalka u dejisaan si midnimada dalka loo daba qabto inta aysan sii fogaan.
  3. Inaad qaadataan masuuliyadda guud ee dalka idinka wada saaran si aad u noqotaan hogaamiyayaal aan kala dhicin taariikhduna ay xusto doorka aad ka qaadateen in dalka dib uu lugahiisa isigu taago.

Ogaada mudanayaal maanta ma joogto xelligii uu nin waliba eed sheegan lahaa ee waxay joogtaa hadalkii MW Axmed Madoobe uu ku celcelin jiray ee ahaa “ kugusan iyo adiga kugusan” oo runtii ah xigmad qiima badan oo dhihideeda ay fududahay laakiin dhaqangelinteedu ay rabto Raganimmo, Geesinimmo, Sabar iyo awood hogaamineed oo uu qof leh iska baaro.

Gari Alley taqaan waxaa ammaan Mudan MW Xasan Sheekh oo markii ay xaaladda adkaato qol isugu keena Madaxweynayaasha DG, RW Dalka iyo Ku xigeenkiisa, iyo  G/G/Banadir, waana Sharaf iyo qiimo aysan umadda illoobi doonin, waayo dalka waa lawada leeyahay waana in laga tashadaa sida ugu haboon ee loo wadayo iyo halka la geynayo. Madaxda Dowlad-Goboleedyada ma haysan fursadaas markii uu talada hayey MW Fármaco, marka waa inay ku fara adeygaan oo ay ka faa’iideeyaan fursadaha la isu helay, kuna amaanaan MW Xasan Sheekh, halka isagana ay tahay inuu amaano inay si hufan dalka ugu khasbeen inuu doorasho galo MW Deni Iyo A Madoobe.

Waxay shacbiga Somaliyeed ee Saylac ilaa Raas kaambooni ku nool idin kugu duceynayaan inuu Rabbi idin waafajiyo tubta uu kheyrka ugu jiro dalka iyo dadka Somaliyeed diintoodna u ilaalinaya.